Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah 31 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Manchester United ayaa bilowday wadahadalo ay kula soo saxiixaneyso 20 jirka daafaca uga ciyaara xulka qaranka Holland Jurrien Timber, kaasoo Ajax ay ku qiimeysay 43 milyan ginni. Guardian

Weeraryahanka Senegal Sadio Mane, 30, ayaan u sheegin Liverpool inuu doonayo inuu ka tago kooxda iyadoo lala xiriirinayo inuu 35 milyan ginni ugu dhaqaaqo kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich . Sky Sports

Weeraryahanka Benfica Darwin Nunez, oo 22 jir ah, ayaa la kulmayay qaar ka mid ah kooxaha ugu sarreeya Premier League oo ku saabsan suurtogalnimada uu u dhaqaaqo xagaaga. Liverpool, Manchester United iyo Newcastle ayaa dhamaantood xiiseynaya xiddiga reer Uruguay. Football taransfers

Manchester City ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato 23-jirka reer Spain ee daafaca bidix ee Brighton Marc Cucurella iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leeds ee England Kalvin Phillips, 26. Telegraph

Weeraryahanka Brazil Richarlison ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa Everton , iyadoo Chelsea, Tottenham iyo Arsenal ay muujinayaan xiisaha 25 jirkaan. Mail.

Weeraryahanka Belgium Romelu Lukaku, oo 29 jir ah, ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu Chelsea kala hadlo mustaqbalkiisa ka dib markii maal-galiyaha Mareykanka ee Todd Boehly uu dhameystiray 4.25 bilyan ginni oo uu ku iibsaday kooxda.Times

West Ham ayaa diyaar u ah inay iska iibiso daafaca reer France Issa Diop, oo 25 jir ah, kaasoo u dhacay doorashada afaraad ee tababare David Moyes.Standard

Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa isha ku haysa daafaca aadka loo qiimeeyo ee kooxda Leicester City ee 18 jirada Ben Nelson, oo 18 jir ah. Mail

Real Madrid ayaa sare u qaaday isku dayga ay ku doonayso inay kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco iyo xulka France Aurelien Tchouameni, oo 22 jir ah, iyadoo ku dooneysa 68 milyan ginni. Mercato – Faransiis

Tchouameni ayaa heshiis shan sano ah la gaaray Real Madrid iyadoo ay socdaan wada xaajoodyada ku saabsan qiimaha.Marca

Weeraryahanka Brazil Neymar, oo 30 jir ah, ayaa qorsheynaya inuu sii joogo Paris St-Germain, inkastoo la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa kooxda heysata horyaalka Faransiiska.Metro

Madaxa fulinta Inter Milan Beppe Marotta ayaa rajeynaya in kooxdu ay la soo saxiixato 28 jirka reer Argentina Paulo Dybala, kaasoo ka tagaya Juventus marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaagan. Goal

Kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ee Sevilla ayaa ka fikiraysa in ay ku soo biirto tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Spurs iyo xulka England Harry Winks oo 26 jir ah.Sun

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea iyo Arsenal Willian, oo 33 jir ah, ayaa doonaya inuu ka tago dalkiisa Brazil, halkaasoo uu haatan ugu ciyaaro kooxda Corinthians , kuna soo laabto ciyaaraha Yurub.Fabrizio Romano

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lens iyo Mali Cheick Doucoure, 22, ayaa bartilmaameedka ugu weyn xagaaga u ah maamulaha Crystal Palace Patrick Vieira. Telegraph

Barcelona ayaa isha ku haysa inay heshiis amaah ah kaga iibiso weeraryahanka Danishka ah ee Martin Braithwaite xagaagan, laakiin 30 jirkaan ayaa ka caga jiidaya inuu u dhaqaaqo. Mundo Deportivo – Isbaanish

Nottingham Forest ayaa isha ku haysa inay sii haysato daafaca amaahda ah ee Middlesbrough Djed Spence laakiin Tottenham, Arsenal iyo Brentford ayaa sidoo kale isha ku haya 21 jirka reer England.Sky Sports

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*