Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Manchester City ayaa durba isku dayaysa inay dib ugala hadasho heshiiska Erling Haaland, kaasoo ay ku jiraan qodob u ogolaanaya weeraryahanka Norway, oo 22 jir ah, inuu baxo laba sano ka dib hadii Real Madrid ay soo bandhigto dalab. Mundo Deportivo – spanish
Kooxda Arsenal ayaa heshiis cusub ka gaadhay garabka xulka qaranka England ee Bukayo Saka oo 21 jir ah Insider
Milkiilaha Nottingham Forest Evangelos Marinakis ayaa ka fiirsanaya inuu ceyriyo tababare Steve Cooper iyo qaar ka mid ah shaqaalaha kooxda ka dib shan guuldarro oo xiriir ah oo Premier League ah. Mail
Forest ayaa u aragta macalinkii hore ee Liverpool,Chelsea iyo Newcastle Rafael Benitez inuu noqdo badalka Cooper,halka tababarihii hore ee Burnley Sean Dyche uu sidoo kale yahay dookh. Guardian.
Manchester United ayaa ka cago jiideysa inay u ogolaato weeraryahanka Portugal Cristiano Ronaldo inuu baxo suuqa Janaayo, 37 jirkaan ayaa laga yaabaa inuu sugo ilaa uu qandaraaskiisu ka dhamaanayo xagaaga soo aadan ka hor inta uusan ka tagin Old Trafford. Mirror
United ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka reer Portugal ee Benfica Goncalo Ramos, 21, iyo garabka PSV Eindhoven ee Netherlands Cody Gakpo, 23. Express
Tababarihii hore ee Chelsea Thomas Tuchel ayaa iska diiday fursad uu ku maamuli lahaa kooxda ku dhibtoonaysa Bayer Leverkusen ee dalkiisa hooyo ee Jarmalka. Sport1
Leverkusen ayaa isha ku haysa in ay u magacawdo xiddigii hore ee Liverpool, Bayern Munich iyo Real Madrid Xabi Alonso si ay badal ugu noqdaan tababare Gerardo Seoane. ESPN
Chelsea ayaa hogaanka u haysa tartanka loogu jiro 23 jirka reer Portugal ee AC Milan Rafael Leao. Xiddig
AC Milan ayaa laga yaabaa inay u isticmaasho kulanka Chelsea ee Champions League inay kala hadasho Blues saxiixa 23 jirka daafaca uga ciyaara England Trevoh Chalobah iyo weeraryahanka Mareykanka Christian Pulisic, 24. (Calciomercato – italia
Inter Milan ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherland Donny van de Beek, oo 25 jir ah, kana tirsan Manchester United bisha Janaayo. (Fichajes – Spanish
Milkiilayaasha Liverpool ayaa diyaar u ah inay lacag badan ku bixiyaan bisha Janaayo haddii maamulaha Reds Jurgen Klopp iyo kooxda shaqaaleynta kooxda ay helaan ciyaaryahanka saxda ah. Football Insider
Tababaraha Liverpool Klopp ayaa sheegay inuu doonayay inuu la soo saxiixdo xiddiga Arsenal Martin Odegaard oo 23 jir ah kooxdii hore ee Borussia Dortmund laakiin xiddiga khadka dhexe ee Norway ayaa doortay inuu ku biiro Real Madrid. Goal
Arsenal ayaa ku fikiraysa in ay u soo bandhigto xiddiga khadka dhexe ee Belgian Albert Sambi Lokonga, oo 22 jir ah, si ay heshiis isku dhaafsi ah ula soo wareegto 24 jirka khadka dhexe ee Juventus iyo Italy Manuel Locatelli. Calcio Mercato Web
Leandro Trossard, oo 27 jir ah, ayaa diiday inuu meesha ka saaro wararka la isla dhexmarayo ee la xiriirinaya inuu ka tagayo Brighton, iyadoo Arsenal iyo Chelsea ay xiiseynayaan garabka Belgian. Mail
Everton ayaa qorshaynaysa in ay adeegsato dookh ay ku doonayso in ay 29 jirka daafaca uga ciyaara England ee Conor Coady amaah kaga soo qaadato Wolverhampton Wanderers ay ugu badalato lacag la rumaysan yahay in ay ka yartahay 10 milyan gini. Times – subscription required
Tababaraha Chelsea Graham Potter ayaa sheegay in uu diirada saarayo sidii uu taam ugu noqon lahaa xiddiga khadka dhexe ee France N’Golo Kante mar kale, iyo in xaalada qandaraaska 31 jirkaan oo heshiiskiisu dhacayo xagaaga soo socda ay tahay mid u dhaxaysa kooxda iyo isaga. Guardian
Sevilla ayaa heshiis la gaartay tababarihii hore ee Jorge Sampaoli si uu ugu soo laabto kooxda si uu u badalo Julen Lopetegui. ESPN