Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Arbaco Ah 20-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Paris St-Germain ayaa u soo bandhigtay weeraryahanka Brazil Neymar, oo 30 jir ah Manchester City si ay u hesho 27 jirka khadka dhexe ee Portugal Bernardo Silva, laakiin kooxda heysata Premier League ayaa diiday heshiiska. Le Parisien 

Liverpool ayaa wax ka waydiisay saxiixa 22 jirka garabka uga ciyaara Ajax ee Antony kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo Manchester United. Football Insider 

Chelsea ayaa ku dhow inay heshiis 60 milyan ginni ah kula heshiiso Sevilla daafaca reer France Jules Kounde, laakiin waxaa laga yaabaa inay tartan kala kulmaan Barcelona saxiixa 23 sanno jirkaan. Guardian

Blues ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta Paris St-Germain oo ku aadan heshiis 50 milyan ginni ah oo ay ku dooneyso Presnel Kimpembe, laakiin waxay ka cabsi qabtaa 26 jirkaan daafaca uga ciyaara France inuu diido u dhaqaaqista Stamford Bridge. Standard

Tottenham ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato garabka Talyaaniga Nicolo Zaniolo, oo 23 jir ah, kana yimid Roma laakiin waxay u baahan yihiin inay iibiyaan ciyaartoyda qaar. Calciomercato

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Harry Winks, 26, iyo garabka Spain Bryan Gil, oo 21 jir ah, ayaa ka mid ah sideed ciyaaryahan oo kooxda koowaad ee Spurs ah oo loo sheegay inay bixi karaan xagaagan. Standard

Chelsea ayaa diyaar u ah inay u ogolaato daafaca Spain Cesar Azpilicueta inuu u dhaqaaqo Barcelona marka ay helaan bedelka 32 jirkaan. Marca 

Crystal Palace ayaa wadahadalo kula jirta Bayern Munich oo ku aadan saxiixa 22 jirka daafaca dhexe ee xulka qaranka Mareykanka Chris Richards. Mail

Nottingham Forest ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha ay u qabto garabka England Jesse Lingard, 29, kaasoo sidoo kale wadahadalo cusub la yeeshay West Ham. Guardian

Brighton ayaa Manchester City ka dalban doonta in ka badan 50 milyan ginni 23 jirka daafaca bidix ee Spain Marc Cucurella. 90 min

Monaco ayaa dalab 15 milyan ginni ah ka gudbisay 23 jirka khadka dhexe ee kooxda Leicester Boubakary Soumare . Footmercato

Wolves ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 31 jirka weerarka uga ciyaara Belgium Christian Benteke, kaasoo ku dhow inuu galo sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa Crystal Palace . Sun

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Billy Gilmour ayaa wadahadalo la yeelan doona tababare Thomas Tuchel oo ku saabsan mustaqbalkiisa, iyadoo Everton ay ka fiirsaneyso inay amaah ugu dhaqaaqdo 21 jirka reer Scotland. Telegraph – subscription required

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*