
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland Frenkie de Jong ayaa kaliya ka tagi doona Barcelona kuna biiraya Chelsea laakiin kooxda reer London diyaar uma aha inay bixiso inta Manchester United ay ku dooneyso 25 jirkaan. Sport
Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa sheegay inuusan garanayn cidda “ikhtiraacday” sheekada la xiriirinaysa weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo iyo kooxda Isbaanishka, isla markaana ay tahay “wax aan macquul ahayn” 37 jirka reer Portugal inuu ku soo biiro. El Partidazo de COPE
Newcastle United ayaa xiiseyneysa 26 sanno jirka weerarka uga ciyaara Chelsea iyo xulka Jarmalka Timo Werner. Bild
Juventus ayaa eegi doonta Werner iyo Manchester United iyo France weeraryahanka Anthony Martial, oo 26 jir ah, haddii ay dhamaystiri waayaan soo qabashada weeraryahanka Spain Alvaro Morata, oo 29 jir ah, oo ay kala soo wareegeen Atletico Madrid. Sky Sports
Rajada Tottenham ee ah inay keensato khadka dhexe ee Mareykanka Weston McKennie, oo 23 jir ah, ayaa saameyn ku yeelan karta ka dib markii 29-jirka ay isku kooxda yihiin ee Juventus Paul Pogba, oo u dhashay France uu dhaawac jilibka ah soo gaaray. Mail
Chelsea ayaa dareenkeeda u jeedisay inay isku daydo saxiixa daafaca reer Holland Denzel Dumfries, oo 26 jir ah, kana tirsan Inter Milan ka dib markii ay ku dhibtoonayeen inay soo qaataan xiddiga reer France Jules Kounde, oo 23 jir ah, kana tirsan Sevilla. Evening Standard
Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in lala soo saxiixdo weeraryahanka reer Argentina ee Lionel Messi wakhti xaadirkan maadama 35 jirkan uu heshiis kula jiro kooxda Paris St-Germain laakiin waxa uu intaa ku daray in aanu arki doono mustaqbalka”. Goal
Goolhayaha Leicester City Kasper Schmeichel ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda reer France ee Nice laakiin talaabadaas ayaan la aqbalin iyada oo Foxes wali helin badalka 35 jirka reer Denmark.L’Equipe
Guddoomiyaha Leicester City Aiyawatt Srivaddhanaprabha ayaa sheegay in kooxdu aysan wax dalab ah ka helin 25 jirka khadka dhexe ee Belgium Youri Tielemans, kaasoo qandaraaskiisa Foxes uu dhacayo xagaaga soo aadan. Metro
Crystal Palace, Leicester City iyo Newcastle United ayaa miisaamaya inay u dhaqaaqaan weeraryahanka Strasbourg Ludovic Ajorque, oo 28 jir ah Insider.
Everton ayaa xiiseyneysa 23-jirka Sporting Lisbon ee garabka bidix ee Ruben Vinagre, kaasoo u ciyaari jiray Wolves. Liverpool Echo
Southampton ayaa u dhaqaaqday soo daahay si ay isugu daydo saxiixa 19 jirka garabka uga ciyaara Manchester City Sam Edozie, kaasoo la filayay inuu ku biiro Bayer Leverkusen. (Boostada)
Burnley ayaa dalab 1.5 milyan ginni ah ka gudbisay 25 jirka garabka uga ciyaara Belgian Manuel Benson waxaana diiday FC Antwerp. Mail
Be the first to comment