Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Axad ah 02-da October

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Mustaqbalka tababaraha kooxda Wolves Bruno Lage ayaa shaki ku jiraa kadib markii ay ku bilaabatay qaab ciyaareed liitay horyaalka Premier League guuldaradii West Ham. Telegraph – subscription required

Arsenal ayaa rajaynaysa in ay Liverpool iyo Manchester United kaga hormarto baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Wolves ee Ruben Neves oo 25 jir ah Express

Barcelona ayaa sidoo kale Gunners kula tartami doonta saxiixa Neves. Sports

West Ham ayaa AC Milan kula tartameysa saxiixa 23 jirka garabka uga ciyaara kooxda Club Bruges Noa Lang. Calciomercato

Manchester City ayaa kordhin doonta mushaharka weeraryahankeeda Erling Haaland ka dib markii 22-sano jirku uu si wacan ku bilowday xilli ciyaareedka. Star

Aabaha Haaland Alf-Inge ayaa ku sheegay documentary cusub inuu arko wiilkiisa oo City ka ciyaaraya kaliya “saddex ama afar sano”. Star

Nice ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro xiddiga garabka uga ciyaara Shakhtar Donetsk iyo Ukraine Mykhaylo Mudryk inkastoo ay xiiseynayaan Brentford , Everton iyo Newcastle , iyadoo kooxda reer France ay diyaar u tahay inay bixiso 25 milyan ginni oo lagu daray lacago dheeri ah 21 jirkaan. Sun

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong, 25, ayaa weli ku jira liiska suuqa kala iibsiga ee Manchester United . ESPN

Liverpool ayaa ceyrsanaysa weeraryahanka Colombia iyo Chicago Fire Jhon Duran laakiin waxa ay tartan kala kulmaysaa Chelsea 18 jirkaan. Sun

Liverpool iyo Arsenal ayaa ku dagaalamaya saxiixa 18 jirka reer Norway ee Andreas Schjelderup, kaasoo u ciyaara kooxda Danishka ah ee Nordsjaelland, waxaana loogu magac daray Erling Haaland. Mail

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Bayer Leverkusen iyo Ecuador Piero Hincapie, 20. Teamtalk

Jordan Henderson iyo Trent Alexander-Arnold ayaa ku booriyay xiddiga khadka dhexe ee Borussia Dortmund iyo xiddiga kale ee England Jude Bellingham inuu ku soo biiro Liverpool . Football Insider

Laakiin Manchester United ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay mar kale raacdo 19 jirkaan. Express

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in aanu ka fikirayn mustaqbalkiisa kooxda inkasta oo uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan. Manchester Evening News

Barcelona ayaa wali Manchester City ku haysa 46 milyan oo gini si ay ula soo wareegto Ferran Torres oo 22 jir ah. Mail

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*