Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Axad Ah 17-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Agaasimaha ciyaaraha Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa mar kale ku celiyay mowqifka kooxda Jarmalka ee Cristiano Ronaldo, oo 37 jir ah, isagoo meesha ka saaray inuu u dhaqaaqo weeraryahanka Manchester United iyo Portugal. Mail on Sunday

Manchester City ayaan wax niyad ah u haynin inay Barcelona ka iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Bernardo Silva xagaagan, iyadoo tababare Pep Guardiola uu weli u arko 27 jirka qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshihiisa xilli ciyaareedka soo socda. Sunday Mirror

Arsenal ayaa ogolaatay heshiis 30 milyan ginni ah oo ay kula soo saxiixaneyso daafaca bidix ee Ukraine Oleksandr Zinchenko, oo 25 jir ah, kana soo jeeda Manchester City, iyadoo heshiiska shaqsiga ah aan wali la dhameystirin. Fabrizio Romano

Chelsea ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa daafaca dhexe ee Sevilla iyo France Jules Kounde, oo 23 jir ah, ka dib markii ay ku guuldareysteen inay heshiis la gaaraan Manchester City daafaca Netherland Nathan Ake, 27. Times – subscription required

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa u sheegay madaxda kooxda inay sii wadaan isku dayga ay kula soo wareegayaan 25 jirka khadka dhexe ee reer Holland Frenkie de Jong oo ka yimid Barcelona – xitaa haddii uusan ku biirin bilowga xilli ciyaareedkooda 7da Agoosto. Guardian

(Barcelona) 28 Dis 2016 Kooxda Barcelona ayaa u magacawday De Jong shaxdeeda oo uu ugu diyaar garoobayo xilli ciyaareedka cusub ee uu ku marayo dalka Maraykanka. Manchester Evening News

Everton ayaa wadahadalo heshiis cusub ah la furtay weeraryahanka reer England Anthony Gordon, iyagoo diiday dalab 35 milyan ginni ah oo 21 jirkaan uga yimid Newcastle United. Football Insider 

AC Milan ayaa wadahadalo kula jirta Tottenham sidii ay ula soo wareegi lahayd 23 jirka daafaca uga ciyaara Japhet Tanganga. Calciomercato 

Paris St-Germain ayaa ku biirtay kooxda Barcelona ugaarsiga ay ugu jirto saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingariiska Carney Chukwuemeka oo kaga imaanaya Aston Villa . 18-sano jirkaan ayaa laga saaray kooxda tababare Steven Gerrard ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Australia iyadoo uu jiro heshiis is afgaranwaa ah. Sunday People

Juventus ayaa la xiriirtay Atletico Madrid saxiixa 29 jirka weerarka uga ciyaara Spain ee Alvaro Morata, kaasoo ku soo laabtay kooxda reer Spain xagaagii ka dib markii uu dhamaaday labo sano oo amaah ah oo uu ku joogay Serie A. Calciomercato

Leeds United ayaa heer gabo gabo ah mareysa wadahadalo ku saabsan heshiis kordhinta 20 jirka reer England Joe Gelhardt. Football Insider

Marseille ayaa isku dayaysa inay la soo wareegto daafaca garabka Lens Jonathan Clauss iyadoo xilli dambe ay xiiseynayeen Chelsea iyo Manchester United 29 jirkaan. Atletico Madrid ayaa sidoo kale aad u doonaysa xiddiga heerka caalami ee dalka France. 90 min

Nottingham Forest ayaa 10 milyan ginni u soo bandhigtay Middlesbrough si ay u hesho xiddiga garabka uga ciyaara ee Marcus Tavernier, halka Bournemouth ay sidoo kale dalab ka gudbisay 23 jirka reer England. Mail

Daafaca reer England ee Manchester United Phil Jones, oo 30 jir ah, ayaa bartilmaameed u ah saaxiibkiisii ​​hore iyo tababaraha cusub ee DC United Wayne Rooney. Daily Star Sunday

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*