Home Suuqa kala iibsiga Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Axad ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Axad ah 18-ka September

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Manchester City ayaa kula biirtay kooxaha Tottenham iyo Chelsea si ay ula socdaan difaaca kooxda Inter Milan ee Slovakia Milan Skriniar oo 27 jir ah Sun

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Chelsea Jorginho xagaaga soo aadan, markaasoo 30 sanno jirkaan khadka dhexe ee Italy lagu heli karo beeca xorta ah. Mirror

Manchester City ayaa sugi doonta ilaa koobka adduunka kadib si ay wadahadalo heshiis kordhin ah ula furto daafaca reer England Kyle Walker oo 32 jir ah. Star

Chelsea ayaa diyaar u ah inay tixgeliso heshiiska weeraryahanka Belgium Romelu Lukaku, 29, si uu si joogto ah ugu biiro Inter Milan, halkaasoo uu haatan amaah ku joogo. CalcioMercato – in Italian

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Jack Grealish Isagoo ka jawaabaya dhaleecaynta Ciyaaryahanka Manchester City Jack Grealish ayaa si fiican ugu jawaabay kulankii Wolves Leicester ayaa xiiseyneysa inay shaqaaleysiiso maamulaha Brentford Thomas Frank haddii ay go’aansadaan inay ka tagaan shaqada Brendan Rodgers. Telegraph

Nottingham Forest ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiso tababare Steve Cooper, taasoo qeyb ka ah inay kordhiso magdhowga ay heli doonaan hadii uu u baxo koox kale. Bodo/Glimt’s Kjetil Knutsen iyo tababarihii hore ee Burnley Sean Dyche ayaa ah badalka suurtagalka ah hadii Cooper uu baxo. Sun

Newcastle United ayaa xiisaynaysa saxiixa garabka Dynamo Kyiv Viktor Tsygankov bisha Janaayo laakiin Borussia Dortmund, RB Leipzig, Wolves iyo West Ham ayaa sidoo kale isha ku haya 24 jirka reer Ukraine. .Jeunes Footeaux – in French

Garabka Bayer Leverkusen iyo France Moussa Diaby, 23, ayaa xiiso ka helaya Chelsea, Tottenham, Arsenal, Manchester City iyo Newcastle United. 90 min

Manchester United ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay la soo wareegto 31 sanno jirka weerarka uga ciyaara Barcelona ee Antoine Griezmann bisha Janaayo. Daily Express

Manchester United ayaa isha ku heysa goolhayaha Slovenia iyo Atletico Madrid Jan Oblak, oo 29 jir ah, si ay ugu bedelaan dooqa koowaad ee haatan David de Gea. Jeunes Via Sun

Liverpool iyo Manchester United ayaa xiiseynaya saxiixa 21 jirka reer Brazil ee Flamengo Joao Gomes bisha Janaayo.  CalcioMercato – in Italian

Manchester City, Chelsea, Liverpool iyo Leeds ayaa dhamaantood isha ku haya saxiixa weeraryahanka 16 jirada ee Linfield ee Waqooyiga Ireland Cole Brannigan. Sun

Previous articleFrank Lampard oo xaqiijiyay in kooxdu ay wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirto goolhayaha koowaad ee Jordan Pickford.
Next articleHordhac: Brentford Vs Arsenal ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here