Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.
Atletico Madrid ayaa sare u qaaday baacsiga ay ugu jirto saxiixa weeraryahanka Manchester United iyo Portugal Cristiano Ronaldo, oo 37 jir ah, iyagoo suuqa kala iibsiga u galiyay weeraryahanka Faransiiska Antoine Griezmann, oo 31 jir ah.Times – subscription required
United ayaa u ogolaan doonta Ronaldo inuu amaah ku baxo xagaagan ilaa iyo inta uu ka keenayo hal sano oo dookh ah oo uu ku kordhinayo qandaraaskiisa si uu ugu soo laabto Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda. Mirror
Barcelona ayaa rajeyneysa inay ka adkaato dalabka Chelsea ee 65m euros (£55.3m) qayb qeyb ah si ay u helaan daafaca France Jules Kounde, 23, iyagoo siinaya Sevilla lacag yar hal mar. Sport
Chelsea ayaa u weecan doonta daafaca Paris St-Germain iyo xulka France Presnel Kimpembe, oo 26 jir ah, hadii Barcelona ay ku guuleysato afduubka Kounde ee Stamford Bridge. Express
Bayern Munich ayaa xiriir la sameysay wakiilada weeraryahanka Tottenham iyo England Harry Kane, oo 28 jir ah, kaasoo aan meesha ka saarin inuu u dhaqaaqayo kooxda heysata horyaalka Jarmalka xagaaga soo aadan. Bild
Xiddiga garabka uga ciyaara Brazil Neymar ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inuu ka tagayo Paris St-Germain xagaagan iyadoo Chelsea iyo Manchester City lala xiriirinayo 30 jirkaan. Mail
Manchester United ayaa ugu cadcad saxiixa daafaca midig ee Inter Milan iyo Netherlands Denzel Dumfries, oo 26 jir ah. Calciomercato
Chelsea ayaa gaadhay heshiis u oggolaanaya Inter Milan inay sii haysato weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku, oo 29 jir ah, sannad dheeraad ah marka uu dhamaado amaahdii xilli ciyaareedkii hore ee kooxda Serie A. Mail
Newcastle ayaa aad u doonaysa xiddiga garabka uga ciyaara Leicester ee Harvey Barnes laakiin Foxes ayaa ku doonaysa 24 jirka reer England 50 milyan ginni. Sun
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in uu wax saxiixyo ah samayn doono hadii ayna wax dhaawac ah ku jirin kooxdiisa ama kooxdu ay iibiso xiddigo hore u jiray. Sky Sports
Nice ayaa Leicester kula soo xidhiidhay goolhayaha Denmark Kasper Schmeichel, oo 35 jir ah ka dib markii ay ku guul darraysatay inay Yann Sommer kala soo wareegto Borussia Monchengladbach. L’Equipe
Brighton ayaa diiday inay 50 milyan ginni ku iibiso daafaca bidix ee Spain Marc Cucurella ka dib markii ay soo diiday dalab 30 milyan ginni ah oo ay Manchester City ka gudbisay .Times – subscription required
Seagulls ayaa bartilmaameedsan doonta daafaca bidix ee Manchester United Brandon Williams, oo 21 jir ah, heshiis 15 milyan ginni ah haddii Cucurella uu baxo xagaagan. Mirror
Timo Werner ayay u badan tahay inuu ka tago Chelsea xagaagan sababtoo ah 26 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa doonaya waqti dheeri ah si uu u xaqiijiyo booskiisa Germany ee Koobka Adduunka. Sky Sports – af Jarmal
Everton ayaa diyaar u ah inay iibiso xiddiga khadka dhexe ee Dele Alli lix bilood uun ka dib markii ay 26 jirka reer England kala soo wareegeen Tottenham . Sun
Kooxda Roma ayaa sare u qaaday xiisaha ay u qabto daafaca Manchester United iyo xulka Ivory Coast Eric Bailly oo 28 jir ah Mirror
Manchester City ayaa diiday dalab 16 milyan ginni ah oo ay Southampton ka gudbisay weeraryahanka England Under-19 Liam Delap, iyadoo kooxo badan oo Championship ah ay xiiseynayaan heshiis amaah ah 19 jirkaan.Times – subscription required)
Arsenal ayaa wadahadalo amaah ah kula jirta daafaca reer Portugal Nuno Tavares Atalanta , iyadoo 22 jirkaan uu doonayo inuu ka tago Emirates. Fabrizio Romano
Newcastle ayaa wax ka weydiisay garabka Rennes iyo Ghana Kamaldeen Sulemana, kaasoo lagu qiimeeyo 30 milyan ginni, waxaana xiiseynaya Bayer Leverkusen iyo Ajax . Mail
West Ham ayaa Napoli kala xaajoonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Poland ee Piotr Zielinski oo 28 jir ah.Tuttomercato
Nottingham Forest ayaa wadahadalo kula jirta daafaca bidix ee reer Spain Alex Moreno, oo 29 jir ah, kana tirsan kooxda Real Betis . Nico Schira
Bournemouth ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Coventry Simon Moore, oo 32 jir ah, sababtoo ah waxay doonayaan in ciyaaryahanka reer England uu tartan la galo Mark Travers. Mail