
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.
Bayern Munich ayaa ka fiirsaneysa weeraryahanka Tottenham Hotspur iyo xulka England Harry Kane, oo 28 jir ah, inay ka dhigto bedelka Robert Lewandowski, iyadoo 33 sanno jirkaan weerarka uga ciyaara Poland uu aad u xiiseynayo inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Bundesliga xagaagan. Kicker
Chelsea iyo Paris St-Germain ayaa gali doona tartanka loogu jiro saxiixa Lewandowski hadii u dhaqaaqistiisa Barcelona uu ku guuldareysto. Mail
Barcelona ayaa aaminsan inay awood u leedahay inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Bernardo Silva, oo 27 jir ah, kana tirsan Manchester City . Mundo Deportivo
Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa ka caga jiidaya inuu keeno Stamford Bridge xagaagan weeraryahanka Manchester United iyo Portugal Cristiano Ronaldo, oo 37 jir ah. Mail
West Ham United ayaa dareenkeeda u jeedisay garabka Roma iyo Netherlands Justin Kluivert, oo 23 jir ah, ka dib markii ay waayeen 25- jirka Villarreal Arnaut Danjuma. Sport
Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay 34 milyan oo euro ku iibiso daafaca dhexe ee Senegal Kalidou Koulibaly oo 31 jir ah. Sun
Si kastaba ha ahaatee, Juventus ayaa qorsheyneysa inay ku maalgeliso saxiixa Koulibaly 90 milyan ginni oo ay rajeyneyso inay ku hesho daafaca Netherlands Matthijs de Ligt, iyadoo Bayern Munich iyo Chelsea ay ugu cadcad yihiin saxiixa 22 jirkaan. Tuttosport
Everton ayaa qarka u saaran inay u soo bandhigto goolhayaha England Jordan Pickford, 28, qandaraas cusub oo waqti dheer ah. Liverpool Echo
Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Benfica kadib markii ay dalab 6.4 milyan oo gini ah ka gudbisay daafaceeda bidix ee reer Spain Alex Grimaldo oo 26 jir ah Express
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Lucas Torreira, oo 26 jir ah, ayaa kala hadlay Jose Mourinho inuu u wareego Roma . Mirror
Manchester United ayaa isku diyaarinaysa in ay suuqa kala iibsiga ka gasho iyada oo aan la soo saxiixan xiddig khadka dhexe ah oo daafaca ah iyaga oo baacsanaya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong oo 25 jir ah iyo xiddiga Denmark Christian Eriksen oo 30 jir ah Manchester Evening News
Sevilla ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya daafaca bidix ee Tottenham Sergio Reguilon, oo 25 jir ah Daily Mail
Manchester City ayaa la soo saxiixan doonta daafac dhexe oo cusub xagaagan hadii daafaca Netherlands Nathan Ake, oo 27 jir ah, uu ku biiro Chelsea. Fabrizio Romano
Arsenal iyo Newcastle ayaa xiiseynaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon iyo Brazil Lucas Paqueta, laakiin labada kooxood ee Premier League ayaa dareemaya qiimaha kooxda Faransiiska ee 65m euros (£ 55m) 24 jirkaan uu aad u sarreeyo. CBS Sports
Chelsea ayaa 7 milyan oo ginni ka dooneysa Barcelona si ay u hesho daafaca reer Spain Cesar Azpilicueta, oo 32 jir ah, kaasoo horey heshiis shaqsi ah ula gaaray kooxda reer Catalan. Evening Standard
Newcastle United ayaa loo soo bandhigay weeraryahanka Watford iyo Nigeria Emmanuel Dennis, oo 24 jir ah, iyo 25 jirka Burnley ee garabka uga ciyaara Ivory Coast Maxwell Cornet. Chronicle Live
Arsenal ayaa tartan kala kulmeysa Manchester United saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea iyo France N’Golo Kante, 31. Express
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona iyo Spain Sergio Busquets, oo 33 jir ah, ayaa waxaa la soo xiriiray kooxaha ka dhisan MLS si uu ugu dhaqaaqo xagaaga soo aadan. Fabrizio Romano
Norwich City ayaa ogolaatay heshiis rikoor ah oo ku kacaya 11.5 milyan ginni oo ay kula soo wareegeyso Sao Paulo iyo Brazilian-ka khadka dhexe ee Gabriel Sara, 23. Mirror
Be the first to comment