
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.
Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay in cutubka Lionel Messi ee Barcelona aysan dhammaanin 11 bilood ka dib markii uu 35-jirka reer Argentina soo afjaray 21-sano oo uu ku sugnaa naadiga kuna biiray Paris St-Germain. ESPN
Barcelona ayaan aqbalin wax dalab ah oo ay u soo bandhigtay xiddiga khadka dhexe ee Netherlands Frenkie de Jong, iyadoo Manchester United si weyn loola xiriirinayo 25 jirkaan. ESPN
Laakiin United ayaa ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee Lazio iyo Serbia Sergej Milinkovic-Savic, oo 27 jir ah, si ay beddel uga dhigto de Jong. Calciomercato
Liverpool ayaa go’aansanaysa in ay aqbasho dalab 23 milyan oo euros ah oo u dhiganta (£19.5m) oo ay Juventus ku doonayso weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino oo 30 jir ah.Tuttomercato
Tottenham ayaa diyaar u ah inay ku iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee France Tanguy Ndombele qiimo sax ah, iyadoo Galatasaray ay xiiseyneyso 25 sanno jirkaan. Media Foot
Juventus ayaa sidoo kale liiskeeda ku haysata weeraryahanka France Anthony Martial, oo 26 jir ah, laakiin Manchester United ma rabto inay iska iibiso. Mirror
Daafaca dhexe ee Sevilla iyo France Jules Kounde, oo 23 jir ah, ayaa diyaar u ah inuu aqbalo heshiiska shaqsiga ah ee Barcelona. Fabrizio Romano
Chelsea ayaa laga yaabaa inay Barcelona ka hor istaagto saxiixa daafaca Spain Cesar Azpilicueta, oo 32 jir ah, haddii kooxda reer Catalonia ay afduubato qorshaheeda ay Kounde ku keenayso Stamford Bridge. Mail
Arsenal ayaa xaqiijisay inay xiiseyneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon Lucas Paqueta, oo 24 jir ah, laakiin weli ma aysan xiriirin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil. Times – subscription required
Gunners ayaa diiday dalab 7 milyan oo ginni ah oo ay 3 milyan oo ginni ku soo kordhisay, waxaana Fulham kaga yimid goolhayaha Jarmalka Bernd Leno, oo 30 jir ah, kaasoo horay heshiis shaqsi ah ula gaaray kooxda dhowaan soo dalacday. CBS Sports
Newcastle United iyo Everton ayaa sare u qaadaya baacsiga ay ku doonayaan weeraryahanka Chelsea iyo Albania Armando Broja ka dib markii West Ham ay isaga hartay xiisaha 20 jirkaan. Sport
Dhanka kale, Hammers ayaa miisaameysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Blackburn iyo Chile Ben Brereton Diaz, 23. Sun
Nottingham Forest ayaa bartilmaameedsaneysa garabka Burnley Maxwel Cornet, oo 25 jir ah, iyadoo Fulham iyo Everton ay sidoo kale xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast. Athletic – subscription required
Newcastle ayaa u dhaqaaqi doonta xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Burnley ee Dwight McNeil, oo 22 jir ah, hadii Leeds United ay diido inay hoos u dhigto 35 milyan ginni oo ay ku doonayso weeraryahankeeda England Jack Harrison, 25. Sun
Paris St-Germain ayaa ogolaatay inay 13 milyan oo ginni amaah ah kula soo wareegto daafaca RB Leipzig iyo daafaca France Nordi Mukiele, 24. Mail
Manchester United ayaa isha ku haysa weeraryahanka Red Bull Salzburg iyo Slovenia Benjamin Sesko, oo 19 jir ah Fabrizio Romano
Fulham ayaa dhamaystiraysa heshiis 6.4 milyan gini ah oo ay kula soo wareegayso daafaca midig ee Wolfsburg iyo xulka Switzerland Kevin Mbabu oo 27 jir ah Mail
Tababaraha Crystal Palace Patrick Vieira ma doonayo inuu u ogolaado garabka cusub ee Ingariiska Malcolm Ebiowei, 18, inuu amaah ku baxo xagaagan. Fabrizio Romano
Be the first to comment