Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Isniin ah 26-ka September

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Manchester City ayaa mabda’ ahaan heshiis cusub ka saxiixday ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Phil Foden, iyadoo heshiiska la rumeysan yahay inuu ka badan yahay lix sano oo uu ku kacayo £250,000 todobaadkii. Footbal Insider 

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium Romelu Lukaku ayaan qorsheyneynin inuu ku laabto Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedka amaahda ah ee uu ku joogo Inter Milan, taasoo la filayo inay cusbooneysiiso 29 jirkaan.  La Gazzetta dello Sport, via Football Italia

Weeraryahanka Brighton iyo Belgium Leandro Trossard, oo 27 jir ah, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu u raaco Chelsea tababarihii hore ee Seagulls Graham Potter, laakiin uu doonayo inuu ciyaaro oo uusan ku fadhiisan kursiga keydka.  Het Nieuws blad, via Mail

Daafaca dhexe ee Liverpool Vigil van Dijk, oo 31 jir ah, ayaa aaminsan in daafaca kale ee reer Holland Jurrien Timber, kaasoo lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United xagaaga, inuu horumarkiisa sii kordhinayo marka loo eego da’da 21 jirka. Manchester Evening News

Raac kooxda aad ugu jeceshahay Premier League oo iska diiwaan geli ogeysiisyada Manchester United ayaa bartilmaameedsanaysa goolhayaha xulka qaranka England iyo kooxda Everton ee Jordan Pickford oo 28 jir ah si ay ugu badalaan 31 jirka reer Spain ee David de Gea. Metro

Juventus ayaa isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka reer France Antoine Griezmann, oo 31 jir ah, hadii Atletico Madrid ay si joogto ah uga dhaqaaqi weydo Barcelona. Gazzetta dello Sport, via Mail

Kediska kubbadda cagta ee Isniinta Ma magacaabi kartaa todobadan ciyaaryahan ee Premier League? Daafaca Argentina Lisandro Martinez, oo 24 jir ah, ayaa sheegay inuusan dhag jalaq u siinin dhaleeceynta loo jeedinayo horaantii xilli ciyaareedka ka dib markii uu xagaagii ugu soo dhaqaaqay Manchester United Ajax. Gazzetta dello Sport, via Mail

Leicester City ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo inay isku daydo inay la soo wareegto 28 sanno jirka heerka caalami ee dalka Jarmalka Robin Gosens, kaasoo ka ciyaari kara daafaca bidix ama khadka dhexe ee bidix, kaasoo ka imaanaya Inter Milan bisha Janaayo. FC Inter News

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Serbia Nemanja Matic, oo ku biiray Roma xagaagii ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa Manchester United, ayaa ku socda wadadii uu ku kordhin lahaa qandaraas kordhinta kooxda Serie A. La Gazzetta dello Sport, via Football Italia

Rangers ayaa isku diyaarinaysa inay iska iibiso 26 jirka khadka dhexe ee Finland Glen Kamara marka la gaadho suuqa January. Football Insider 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*