Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Jimce Ah 12-ka Augosto

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Paris St-Germain ayaa wadahadalo kula jirta wakiilada Marcus Rashford suurtogalnimada ay 24 jirka weerarka ugala soo wareegi karto Manchester United. L’Equipe – in French

United ayaa sidoo kale kulan la balansan hooyada iyo wakiilka Adrien Rabiot kadib markii ay Juventus kala heshiisay qiimaha xiddiga khadka dhexe ee France, 27. Fabrizio Romano

Manchester City ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca bidix ee kooxda Atletico Madrid iyo xulka Brazil Renan Lodi, oo 24 jir ah.Telegraph – subscription required

Daafaca bidix ee reer Scotland ee Arsenal Kieran Tierney, oo 25 jir ah, ayaa sidoo kale ka mid ah magacyada liiska u sharaxan Manchester City .90 min

Daafaca dhexe ee Spain Pablo Mari, oo 28 jir ah, ayaa ogolaaday inuu ka soo wareego Arsenal oo uu ugu biiro kooxda ku cusub Serie A ee Monza oo uu amaah hal xilli ciyaareed ah ku qaatay. Sun

Weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, oo 33 jir ah, ayaa doorbidaya inuu sii joogo Barcelona intii uu Premier League ku laaban lahaa Chelsea.  Metro

Laakiin maamulaha Chelsea Thomas Tuchel ayaa ku cadaadinaya milkiilaha kooxda Todd Boehly inuu Aubameyang kala soo wareego Barcelona . Sport

Nottingham Forest ayaa dalab furitaan ah ka gudbisay weeraryahanka Watford ee Nigeria Emmanuel Dennis, 24. The Athletic

Atalanta ayaa kula tartami doonta Forest saxiixa daafaca garabka ee Italy Emerson Palmieri, oo 28 jir ah, kana yimid Chelsea . Standard

Southampton’s Che Adams ayaa xiiseynaya inuu u dhaqaaqo Everton , laakiin waxaa jira tartan Leeds United , Wolves iyo Forest oo ku aadan weeraryahanka Scotland, 26. Mail

Everton ayaa rajeyneysa inay soo gabagabeyso heshiiska ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Guinea Serhou Guirassy, ​​oo 26 jir ah, kana yimid Rennes ka hor dhamaadka usbuuca. L’Equipe

Tababarihii hore ee ku meel gaarka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa soo jeediyay in weeraryahanka Stuttgart ee Austria Sasa Kalajdzic, 25, uu diido u dhaqaaqista Old Trafford. Stars

West Ham ayaa weli wadahadalo kula jirta Paris St-Germain oo ku aadan saxiixa daafaca Jarmalka Thilo Kehrer, 25. Express

Weeraryahanka reer Croatia Nikola Vlasic, 24, ayaa heshiis amaah ah ugu biiray kooxda ka dhisan Serie A ee Torino oo uu kaga soo biiray West Ham , isagoo leh ikhtiyaar uu si joogto ah ugu dhaqaaqo. Sun

Roma ayaa qaboojisay xiisaheeda ay ku iibineyso 23 jirka garabka uga ciyaara Italy Nicolo Zaniolo, kaasoo diirada u saarnaa Tottenham . Standard

Everton ayaa dooneysa inay xaqiijiso saxiixeedii afaraad ee isbuucaan, iyadoo wadahadalada ay si wanaagsan u socdaan 28 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Strasbourg Ludovic Ajorque . Foot Mercato, via Express

Juventus ayaa ku dhow inay dhameystirto heshiiska weeraryahanka Barcelona iyo Netherlands Memphis Depay, 28. 90 min

Marseille ayaa xiriir la sameysay Manchester United oo ku aadan inay heshiis amaah ah kula soo wareegto daafaca Ivory Coast Eric Bailly, 28. L’Equipe – in French

Garabka kooxda Bayer Leverkusen ee Isbaanishka Iker Bravo, oo 17 jir ah, ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiri doona Real Madrid . Bild 

Kooxaha Championship-ka ee Watford , Burnley , Blackburn Rovers iyo Sheffield United ayaa ku loolamaya inay amaah ku qaataan daafaca reer Holland ee Liverpool Sepp van den Berg, oo 20 jir ah. Mail

Weeraryahankii hore ee Chelsea iyo Spain Diego Costa, oo 33 jir ah, ayaa ku laabanaya Rayo Vallecano ka dib markii uu koox la’aan ahaa tan iyo markii uu soo afjaray qandaraaskiisa Atletico Mineiro bishii Janaayo. Marca

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*