Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Jimce Ah 17 June

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Arsenal ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto weerar yahanka Manchester City iyo Brazil Gabriel Jesus, oo 25 jir ah.

Tottenham ayaa isku diyaarinaysa 90 milyan oo euro (£77m) oo ay ku doonayso weerar yahanka Inter Milan Lautaro Martinez laakiin 24 jirka reer Argentina ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Serie A ka dhisan ee aan wax niyad ah u hayn in ay iska iibiyaan. Alfredo Pedulla

Newcastle United ayaa isha ku haysa goolhayaha reer England ee Burnley Nick Pope oo 30 jir ah. Mail

Liverpool ayaa weli xiiseyneysa 18-jirka Borussia Dortmund iyo xulka England Jude Bellingham. Mirror

AC Milan ayaa noqotay kooxda ugu cadcad ee ka horaysa Newcastle saxiixa daafaca 21 jirada Lille ee Sven Botman. Insider

Manchester City ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso daafaca bidix ee Brighton iyo Spain Marc Cucurella oo 23 jir ah. Guardian

Tababaraha kooxda Nottingham Forest Steve Cooper oo kooxda ku hogaamiyay u soo dalacsiinta Premier League xilli ciyaareedkii hore ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda. Telegraph

Forest ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta 26 jirka daafaca dhexe ee France Moussa Niakhat oo ka tirsan kooxda Jarmalka ee Mainz. Mail

Leeds United iyo Southampton ayaa xiiseynaya 18-jirka khadka dhexe ee kooxda Manchester City Romeo Lavia. Athletic – subscription required

Southampton ayaa qarka u saaran inay ku dhawaaqdo saxiixa goolhayaha Republic of Ireland Gavin Bazunu, oo 20 jir ah, kana yimid Manchester City heshiis ku kacaya 15 milyan ginni. Telegraph

Fulham iyo Wolves ayaa labaduba xiiseynaya saxiixa khadka dhexe ee Sporting Lisbon iyo Portugal Joao Palhinha, 26. 90min

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa sheegay in saxiixa cusub ee Manchester City Erling Haaland, oo 21 jir ah, uusan ku bilaaban laheyn hadii uu weeraryahanka u dhaqaaqi lahaa dhanka Isbaanishka. Mirror

Daafaca reer England James Tarkowski, oo 29 jir ah, ayaa ogolaaday inuu ku biiro Everton marka uu dhaco qandaraaskiisa haatan ee Burnley xagaagan. Sky Sports

Juventus ayaa badashay dalabkii ay ku doonaysay xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Argentina ee Angel di Maria kaas oo beeca xorta ah ku heli kara ka dib markii uu ka tagay Paris St-Germain iyada oo Barcelona kula tartamaysa saxiixa 34 jirkan. Gianluca di Marzio

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee France Aurelien Tchouameni ayaa u dhaqaaqay Real Madrid isagoo ka yimid Monaco ka dib markii 22 jirkaan uu diiday mushaar sare oo uu ka qaadan jiray PSG. Marca

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*