Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Jimco ah 07-da October

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Galatasaray ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo, oo 37 jir ah, kana tirsan Manchester United bisha Janaayo. Fotomac – Turki

Madaxa fulinta Bayern Munich Oliver Kahn ayaa sheegay in kooxda Bundesliga ka dhisan ay ka fikirtay inay u dhaqaaqdo Ronaldo xagaagii. Bild, via Mail

Wolves ayaa la filayaa inay wadahadalo la yeelato Julen Lopetegui isbuucaan, ka dib markii tababarihii hore ee Spain laga ceyriyay shaqada tababaranimo ee Sevilla. Sky Sports.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee France N’Golo Kante, oo 31 jir ah, ayaa aaminsan in Chelsea aysan dooneyn inay u kordhiso qandaraaskiisa, iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga soo aadan. Footmercato – French

Arsenal ayaa xiiseyneysa Porto iyo 30 jirka weerarka uga ciyaara Iran Mehdi Taremi. A Bola, via TEAMtalk

Real Madrid ayaa isha ku haysa 18 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Benfica ee Antonio Silva. Calciomercato – italia

Inter Milan ayaa rajaynaysa inay xaqiijiso mustaqbalka fog ee Hakan Calhanoglu ee kooxda ka dib markii ay iska joojisay xiisihii ay u qabtay 28 jirka khadka dhexe ee Turkey kooxo ay ku jirto Everton . Teamtalk

Bilyaneerka Mareykanka Bill Foley, oo ah milkiilaha NHL franchise the Vegas Golden Knights, wuxuu leeyahay heshiis afka ah oo uu ku iibsanayo Bournemouth . Athletic – subscription required

Weeraryahanka Norway Erling Haaland, oo 22 jir ah, ayaa Manchester City ka qaata £865,000-isbuucii . Mail

Leeds United ayaa xiisaynaysa 22 jirka reer Switzerland ee Noah Okafor, kaasoo u ciyaara Red Bull Salzburg, laakiin tartan kala kulmaysa AC Milan. Calciomercato -in italia

Kooxda heysata horyaalka heerka labaad ee Sheffield United ayaa isha ku heysa weeraryahanka reer Scotland ee Kilmarnock Bobby Wales, oo 17 jir ah.Football Insider

Madaxweyne ku xigeenka Barcelona ayaa ka digay in mushaharka kooxdu aanu gaadhin heerar la maarayn karo ilaa uu dhamaanayo heshiisyada xiddigo magac leh oo ay ku jiraan daafacyada Spain Gerard Pique oo 35 jir ah iyo Jordi Alba oo 33 jir ah iyo xiddiga khadka dhexe ee Sergio Busquets oo 34 jir ah. Mail

Barcelona ayaa lala xiriirinayay xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ee Martin Zubimendi laakiin waxa ay u muuqataa in 23 jirkan uu ku dhaw yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Sociedad. Mundo Deportivo – spanish

Ciyaaryahankii hore ee Rio Ferdinand ayaa ku booriyay kooxdiisii ​​​​hore ee Manchester United inay la soo saxiixdaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund iyo xulka England Jude Bellingham, oo 19 jir ah, kaasoo sidoo kale bartilmaameed u ah Real Madrid iyo Liverpool Mirror.

Tababaraha kooxda Leicester City Brendan Rodgers ayaa daaha ka qaaday inuu diiday labo fursad oo uu kooxda kaga tagi lahaa. Leicester Mercury

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*