Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.
Weeraryahanka Ajax ee Brazil Antony, 22, ayaa ‘ka go’an’ inuu ku biiro Manchester United xagaagan. Goal
Paris St-Germain ayaa dooneysa inay iska iibiso Neymar haddii ay hesho dalab la aqbali karo oo ku aadan weeraryahanka Brazil, inkastoo 30-sano jirkaan uusan dooneynin inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Faransiiska. Goal
Daafaca dambeedka midig ee Manchester United Brandon Williams, oo 21 jir ah, ayaa lagu iibin karaa 10 milyan ginni. Sun
Ajax ayaa qarka u saaran inay dalab kale ka gudbiso garabka Tottenham Hotspur iyo Netherlands Steven Bergwijn, oo 24 jir ah, laakiin kooxda Premier League ayaan aqbali doonin wax ka hooseeya 25 milyan ginni Sky Sports
Southampton ayaa isku dayday inay joojiso xiisaha Manchester City, Manchester United, Tottenham iyo West Ham 27 jirka khadka dhexe ee England James Ward-Prowse iyadoo lagu qiimeeyo 75 milyan ginni. Sport
Madaxa fulinta Bayern Munich Oliver Kahn ayaa sheegay in uu filayo in weeraryahanka Poland Robert Lewandowski, oo 33 jir ah, uu sii joogo kooxda heysata horyaalka Jarmalka xagaagan. Sky Sports
Manchester City ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta si ay u soo afjarto saxiixa daafaca Brighton iyo xulka Spain Marc Cucurella, oo 23 jir ah Insider.
Leeds United ayaa isha ku haysa saxiixa garabka PSV Eindhoven ee Netherland Cody Gakpo, oo 23 jir ah, xagaagan si ay ugu bedelaan weeraryahanka Brazil Raphinha, 25, kaasoo diirada u saaran Arsenal . Mercato
Leeds ayaa Raphinha ku qiimeeya 65 milyan ginni iyadoo Tottenham, Chelsea iyo Barcelona ay sidoo kale xiiseynayaan. Fabrizio Romano.
Nice ayaa bartilmaameedsanaysa inay heshiis amaah ah kula wareegto goolhayaha reer Spain ee Chelsea Kepa Arrizabalaga, 27. Foot Mercato.
Weeraryahanka Chelsea iyo Albania Armando Broja, oo 20 jir ah, ayaa u furan inuu u dhaqaaqo West Ham iyadoo laga yaabo inay dalab 25 milyan ginni ah ku soo bandhigto. Express
Maamulaha Barcelona Xavi ayaa ka baryaya garabka France Ousmane Dembele, 25, inuu u saxiixo qandaraas cusub xilli ay xiiseynayaan Chelsea . Goal
Paris St-Germain iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale xiiseynaya saxiixa Dembele. Marca
Reims iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Zimbabwe Marshall Munets, oo 26 jir ah ayay Brighton keeni kartaa bedelka Yves Bissouma, khadka dhexe ee Mali ayaa ka tagay kooxda kuna biiray Tottenham. Mail.
Goolhayaha reer Jarmal Loris Karius, oo 29 jir ah, ayaa diyaar u ah tartan cusub isagoo raadinaya koox cusub oo uu ka tagayo Liverpool . Sky Germany
Weeraryahanka Real Madrid iyo Spain Marco Asensio, 26, ayaa aad u xiiseynaya inuu ku biiro Liverpool halkii uu ku biiri lahaa AC Milan . Mail
Chelsea ayaa sugaysa weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku, oo 29 jir ah, si uu u dhamaystiro heshiiska amaahda ah ee uu ugu biirayo Inter Milan ka hor inta aysan u dhaqaaqin xiisahooda weeraryahanka Manchester City iyo xulka England Raheem Sterling, 27. Sky Sports.
Sterling ayaa kaliya ka fikiri doona inuu ka tago Manchester City haddii uu yahay kooxda koowaad ee joogtada ah ee koox u tartameysa Champions League isla markaana hogaaminaya koobabka gudaha. Times – subscription required.
Weeraryahanka Brazil Vinicius Jr, oo 21 jir ah, ayaa sheegay inuu mustaqbalkiisa u hibeyn doono Real Madrid inkastoo ay xiiseyneyso Paris Saint-Germain . Mail
Weeraryahanka Nigeria Taiwo Awoniyi ayaa macsalaameeyay asxaabtiisa kooxda Union Berlin , iyadoo 24-sano jirkaan la filayo inuu 17.5 milyan ginni ugu dhaqaaqo kooxda ku cusub Premier League ee Nottingham Forest. Mail