Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Khamiis Ah 30 June

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Tottenham ayaa ku rajo weyn in ay Everton kala heshiiso qiimaha 25 jirka reer Brazil ee Richarlison Khamiista si ay uga badiso dhamaadka dhaqaale wanaaga. Football.London

Spurs ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta 27 jirka daafaca uga ciyaara France Clement Lenglet kaas oo ay amaah ugala soo wareegayaan Barcelona . Sky Sports

Chelsea , Tottenham iyo Arsenal ayaa Torino kala hadli doona daafaca Gleison Bremer, oo 25 jir ah, iyadoo kooxda Serie A ka dhisan ay ku dooneyso 43 milyan ginni ciyaaryahanka reer Brazil. 90 min

Liverpool ayaa diiday dalab furitaanka oo uga yimid Nottingham Forest oo ku aadan 21-jirka daafaca dambeedka midig Neco Williams, iyadoo kooxda Anfield ka dhisan ay ku dooneyso 15 milyan ginni xiddiga heerka caalami ee dalka Wales. Mail

West Ham ayaa diyaar u ah inay 34 milyan ginni ku fasaxdo xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands Arnaut Danjuma, oo 25 jir ah, kana tirsan Villarreal . Todofichajes

Borussia Dortmund ayaa kaliya aqbali doonta dalabyada ka badan 103 milyan ginni xiddiga heerka caalami ee dalka England Jude Bellingham, oo 19 jir ah, kaasoo lala xiriirinayo Liverpool , Manchester United iyo Real Madrid .  Mail

Everton ayaa wadahadalo cusub oo waqti dheer ah kula jirta goolhayaha xulka qaranka England ee Jordan Pickford, 28 jir, kaas oo ay laba sano uga hadhsan tahay heshiiskiisa haatan. Guardian

Arsenal ayaa dalab seddexaad u dirtay Ajax si ay u hesho daafaca Argentina Lisandro Martinez, oo 24 jir ah, kaasoo 43 milyan ginni ay ku qiimeysay kooxda heysata horyaalka Eredivisie. Sun

Manchester United ayaa sidoo kale diyaarinaysa dalab 40 milyan ah oo ay ku doonayso Martinez kaas oo ka hoos ciyaaray tababaraha cusub ee Red Devils Erik ten Hag xilli ciyaareedkii hore. TalkSport

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City Youri Tielemans, oo 25 jir ah, ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah Manchester United , iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium uu galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa. Athletic – subscription required.

Goolhayaha Manchester United iyo England Dean Henderson, oo 25 jir ah, ayaa tijaabada caafimaadka ku mari doona Nottingham Forest usbuucan si uu u saxiixo heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah. Mail

Southampton ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Chelsea iyo xulka England ee 21 jirada Levi Colwill, oo 19 jir ah, kaasoo xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Huddersfield . Sun

Leicester ayaa sidoo kale xiiseyneysa Colwill, iyadoo da’yarka uu diyaar u yahay inuu tartan cusub ka raadsado meel ka baxsan Stamford Bridge haddii aysan jirin rajo ah inuu u dhaco kooxda Blues. Guardian

Brentford ayaa dalab 20 milyan ginni ah ka gudbisay Hull City 21 jirka weerarka uga ciyaara Keane Lewis-Potter. Athletic – subscription required

Labo kooxood oo Premier League ah oo aan la magacaabin ayaa xiiseynaya saxiixa weeraryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria Emmanuel Dennis, oo 24 jir ah, kaasoo ay Watford ku qiimeyso 20 milyan ginni . Sky Sports

Arsenal ayaa wadahadalo la yeelatay ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England Jack Wilshere, oo 30 jir ah, iyadoo Gunners ay dooneyso inay buuxiso boosaskooda 23-jirada iyo 18 jirada. Standard

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*