Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Khamiis Ah 4-ta Augosto

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Chelsea ayaa wadahadalo la furtay kooxda Barcelona 25 jirka khadka dhexe ee reer Holland Frenkie de Jong kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Man United xagaagan.  Athletic – subscription required

De Jong ayaa ka door bidi lahaa u dhaqaaqista Chelsea marka loo eego Manchester United. Metro

Chelsea ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto daafaca reer France ee Wesley Fofana 200,000 oo gini todobaadkii hadii ay heshiis la gaadho Leicester City oo 21 jirkan ku doonaysa 85 milyan gini. Mail

Chelsea ayaa u sheegtay difaaca Spain ee Cesar Azpilicueta in ayna doonayn in uu ku biiro Barcelona ayna lumiyaan khibrada 32 jirkan. Times – subscription required

Manchester United ayaa wadahadalo hordhac ah la qaadatay RB Salzburg oo ku aadan saxiixa 19 jirka weerarka uga ciyaara Slovenia Benjamin Sesko. Sky Sports

Bournemouth ayaa ku dhow inay la soo wareegto goolhayaha reer Brazil ee Barcelona 33 jirka Neto. Telegraph – subscription required

Tottenham ayaa wadahadalo la furtay Udinese oo ku aadan daafaca bidix ee reer Talyaani Destiny Udogie, oo 19 jir ah, iyadoo suurtagal ah inay daafaca dib ugu soo celiso kooxda Serie A. Fabrizio Romano

Goolhayaha England Dean Henderson, oo 25 jir ah, uma ciyaari doono Manchester United mar kale ka dib markii uu amaah ugu biiray Nottingham Forest, ayuu yiri ciyaaryahankii hore ee Tottenham Jamie O’Hara. Talksport

Nottingham Forest ayaa xiiso u qabta 24 jirka weerarka uga ciyaara Holand ee Jizz Hornkamp kaas oo noqon doona saxiixii 13-aad ee kooxda xagaaga hadii uu ka soo biiro Willem II. Athletic – subscription required

Daafaca reer England Chelsea Levi Colwill, oo 19 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Brighton, iyadoo daafaca reer Spain ee Seagulls Marc Cucurella, 24, uu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo dhanka kale. football.london

Xiddiga garabka uga ciyaara Croatia ee Ivan Perisic, oo 33 jir ah, ayaa la xidhiidhay xiddigii hore ee Tottenham iyo xiddiga ay isku dalka yihiin ee Luka Modric si uu talo uga helo ka hor inta uuna go’aansan in uu ka tago Inter Milan una aado waqooyiga London xagaagan. Mirror

Kooxo badan oo Championship iyo League One ah ayaa xiiseynaya inay amaah ku qaataan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Charlie Savage, oo 19 jir ah. Mail

Barcelona ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato 31-jirka Athletic Bilbao iyo daafaca Spain Inigo Martinez, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 80m euros (£ 67m) wuxuuna qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga soo aadan. Marca

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Arthur Melo, oo 25 jir ah, ayaa ku dhawaaday inuu ka tago Juventus si uu amaah ugu biiro Valencia, taasoo ka dhigi karta kooxda Serie A inay sare u qaaddo xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Jorginho, 30. 90 Min

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*