
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha oo Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Arsenal ayaa doonaysa in ay wax ka badan 42 milyan ginni ku iibiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic, inkasta oo Newcastle ay sidoo kale dalban karto 27 jirkan. Corriere dello Sport
Paul Pogba ayaan wali si xor ah uga soo wareegin Manchester United kuna biiray Juventus iyada oo 29 jirka khadka dhexe ee France uu sugayay in Zinedine Zidane loo magacaabo tababaraha Paris St-Germain . RMC Sport – Faransiis.
Dhanka kale, PSG ayaa wali isku dayaysa inay ku qanciso tababarihii hore ee Real Madrid Zidane, oo 49 jir ah, si uu ugu bedelo Mauricio Pochettino oo ah tababarahooda cusub. ESPN
Sevilla ayaa sheegtay in daafaca dhexe ee France Jules Kounde uu doonayo inuu ka tago kooxda xagaagan, iyadoo Chelsea la filayo inay la soo wareegto 23 sanno jirkaan. Markhaati Isboorti
AC Milan ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha ay u qabto saxiixa weeraryahanka Brazil iyo Manchester City Gabriel Jesus, 25. 90min
Arsenal ayaa qarka u saaran inay ku dhawaaqdo saxiixa 19 jirka reer Brazil Marquinhos oo ka yimid Sao Paulo qandaraas shan sano ah oo ku saabsan 3 milyan ginni. Masuul
Dhanka kale, Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha doonaya inay u dhaqaaqaan xiddiga Leeds United ee Raphinha xagaagan, iyadoo Barcelona , Manchester United , Chelsea iyo Liverpool sidoo kale lala xiriiriyay xiddiga Brazil, 25.
Qandaraaska weeraryahanka Arsenal Eddie Nketiah ayaa dhacaya dhamaadka bisha June laakiin Gunners ayaa wali wadahadalo kula jirta 23 jirka weerarka uga ciyaara England ka dib markii ay u soo bandhigtay heshiis cusub. Evening Standard
Liverpool ayaan wali heshiis ka gaarin qiimaha ay kula soo wareegayso xiddiga kooxda Benfica ee Darwin Nunez, laakiin 22-sano jirkaan weerarka uga ciyaara Uruguay ayaa horay u sheegay saaxiibadiisa iyo qoyskiisa inuu u dhaqaaqayo Anfield. Liverpool Echo
Xiriirka milkiilaha cusub ee Chelsea Todd Boehly iyo Jay-Z’s Roc Nation Sports ayaa fure u noqon kara mustaqbalka Romelu Lukaku, oo 29 jir ah, iyo rajada weeraryahanka Belgium ee ku laabashada Inter Milan . Telegraph
Chelsea oo ku saabsan suurtogalnimada ay dib ula soo saxiixan karto Lukaku. (abrizio Romano on Twitter
AC Milan ayaa ka laabatay saxiixa daafaca reer Holland ee Sven Botman oo ka yimid Lille ka dib markii Newcastle ay kordhisay dalabkeeda 22 jirka ah. Sky Sport Italia,
Daafaca dhexe ee Senegal Kalidou Koulibaly, oo 30 jir ah, ayaa doonaya in uu ka tago Napoil si uu ugu biiro Barcelona laakiin waxa uu kula biiri doonaa kooxda Seria A xilli ciyaareedka isku diyaarinta hadii kooxda reer Spain ay ku fashilanto in ay heshiis la gaadho. Sport – Isbaanish
Brentford ayaa si rasmi ah ula xiriirtay kooxda reer Talyaani ee Bologna 20 jirka daafaca uga ciyaara Scotland Aaron Hickey, kaasoo sidoo kale xiiso ka helaya Napoli, Arsenal, Newcastle iyo Aston Villa. Mail
Hellas Verona ayaa qarka u saaran inay iibiso ciyaaryahankii amaahda ahaa ee Giovanni Simeone ka dibna ay iibiso weeraryahanka Argentina, West Ham iyo Arsenal ayaa xiiseynaya 26 jirkaan, kaasoo haatan ku sugan Cagliari . AS – Isbaanish
Sporting LisbonJoao Palhinha ayaa wali bartilmaameed muhiim ah u ah kooxda Wolves xagaagan inkasta oo ay Fulham xiiso u qabto xiddiga khadka dhexe ee Portugal oo 26 jir ah Mail
Nottingham Forest oo dhawaan soo dalacday ayaa bartilmaameedsanaysa khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee England Ainsley Maitland-Niles, oo 24 jir ah, kaasoo amaah kula joogay Roma xilli ciyaareedkii hore. Mirror
Tottenham ayaa ogolaatay heshiis ay ku iibsanayso Djed Spence oo ka tirsan Middlesbrough , kaasoo amaah ku joogay Nottingham Forest xilli ciyaareedkii hore, iyadoo 21 jirka daafaca midig ee Ingariiska ah ay ku iibsatay 20 milyan ginni. Gauidian
Rangers ayaa dooneysa ilaa 25 milyan ginni Calvin Bassey, Aston Villa ayaana 20 jirka weerarka uga ciyaara Ingariiska Cameron Archer, kaasoo amaah kula joogay Preston xilli ciyaareedkii hore, si uu miisaan ugu noqdo daafaca garabka bidix ee Nigeria, 22 . Birmingham Mail
Fulham ayaa ku dhow inay dhamaystirto heshiiska goolhayaha Lazio ee Albania Thomas Strakosha, 27. 90min
Wakiilka Miguel Almiron uma maleynayo in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paraguay, 28, uu ka tagi doono Newcastle xagaagan inkastoo la filayo in dib u habeyn lagu sameeyo kooxda. Goal
Liverpool ayaa wadahadalo la furtay Naby Keita oo ku saabsan heshiis cusub oo uu u saxiixo xiddiga khadka dhexe ee Guinea, 27. Insider).
Manchester United ayaa heshiis cusub u soo bandhigtay Martin Svidersky laakiin 19 jirka khadka dhexe ee Slovakia ee 21 jirada ayaa wali qarka u saaran inuu baxo. Evening Standard
Weeraryahanka Wales Gareth Bale ayaa sheegay inuusan ku biiri doonin Getafe ka dib markii uu ka tagay Real Madrid xagaagan, 32 jirkaan ayaa go’aan ka gaari doona mustaqbalkiisa ka dib kulamadii ugu dambeeyay ee qarankiisa ee Nations League. Sports
Be the first to comment