
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Chelsea ayaa dib u soo noolaysay xiisaha ay u qabto daafaca reer France ee Sevilla Jules Kounde, oo 23 jir ah, ka dib markii Manchester City ay go’aansatay inay ka iibiso 27 jirka daafaca Netherlands Nathan Ake kooxda Thomas Tuchel. Guardian
Rajadii Chelsea ee saxiixa xiddiga Bayern Munich Serge Gnabry ayaa dhabar jab ku dhacday ka dib markii 27 jirka reer Germany uu doortay inuu sii joogo kooxda. (Football London)
Barcelona ayaa ku cusub saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leeds United ee Raphinha, Barcelona ayaa horumar ka samaynaysa isku dayga ay Bayern Munich kula soo saxiixan karto weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski, oo 33 jir ah. The Athletic
Arsenal ayaa diyaar u ah inay ku iibiso Nicolas Pepe wax ka yar 72 milyan ginni oo ah lacagtii rikoorka aheyd ee ay ku iibiyeen, iyadoo 27 jirkaan garabka ka ciyaara ee Ivory Coast uusan qeyb ka aheyn qorshaha tababare Mikel Arteta. Diario de Sevilla
Weeraryahankii hore ee Manchester United Jesse Lingard, oo 29 jir ah, ayaa ka fiirsanaya inuu u dhaqaaqo Sacuudi Carabiya halkaas oo uu ka heli karo 10 milyan ginni sannadkii. Ciyaaryahanka reer England qandaraaskiisa United waxa uu dhacay bishii hore. Daily Star
Arsenal ayaa ku rajo weyn in ay heshiis la gaarto Manchester City oo ay la soo wareegeyso ciyaaryahanka boosaska badan ee Ukraine Oleksandr Zinchenko, 25. ESPN
AC Milan ayaa isku dayaysa inay qandaraas cusub ku tijaabiso xiddiga reer Portugal ee Rafael Leao iyadoo 23 sanno jirkaan ay xiiseynayaan Chelsea . Gazetta Dello Sport
Everton ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Burnley oo u laabatay heerka labaad si ay ula soo saxiixato garabka Ivory Coast Maxwel Cornet, oo 25 jir ah, kaasoo sagaal gool dhaliyay 26 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Clarets. Sports
Weeraryahanka Chelsea ee Albania Armando Brojo, oo 20 jir ah, ayaa weli bartilmaameed u ah Newcastle United, laakiin tababare Eddie Howe ayaa ka digay dhibaatooyin ku saabsan “qiimaha sarreeya iyo helitaanka xaddidan” isagoo eegaya inuu xoojiyo kooxdiisa. Mirror
Tottenham ayaa ku dhow inay ku dhawaaqdo saxiixa 6-aad ee daafaca 21-jirada England Djed Spence. Laacibka 21-jirka ah ee Middlesbrough ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda ka ciyaarta Premier League ka hor inta uusan u dhaqaaqin 15 milyan ginni. Sky Sports
Chelsea ayaa ku dhow inay la soo wareegto goolhayaha kooxda Chicago Fire ee United States Under 20s Gabriel Slonina ka dib markii ay heshiis shaqsi ah la gaartay 18 jirkaan. Fabrizio Romano
AC Milan ayaa ku dhow inay ku dhawaaqdo qandaraas cusub 40 jirka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic. Football Italia
Be the first to comment