Home Suuqa kala iibsiga Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Sabti Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Sabti Ah 25 June

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Liverpool ayaa ka fiirsaneysa inay iska iibiso Mohamed Salah haddii ay xagaagan ka hesho dalab 60 milyan ginni ah, iyadoo Real Madrid ay ka mid tahay kooxaha isha ku haya xaalada 30 jirka reer Masar. Sun

Ad

Arsenal ayaa heshiis la gaartay weeraryahanka Manchester City iyo Brazil Gabriel Jesus, iyadoo Gunners ay 25 sanno jirkaan ku dooneyso 45 milyan ginni. Fabrizio Romano

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Georginio Wijnaldum ayaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago Paris St-Germain xagaagan. Leicester City ayaa isha ku haysa 31 jirkan, halka Everton , Wolves iyo West Ham ay sidoo kale isha ku hayaan xaalada. 90 min

Chelsea ayaa la xiriirtay Juventus si ay ugala hadasho suurtagalnimada heshiiska daafaca dhexe ee Netherlands Matthijs de Ligt, oo 22 jir ah, kaasoo qandaraaskiisa ay ka harsan tahay labo sano. Goal

Hakim Ziyech oo Chelsea u ciyaara ayaa gudbiyay codsi ah in la iibiyo halka AC Milan ay wadahadalo la furtay Blues oo ku aadan 29 jirka garabka uga ciyaara Morocco  Mail.

Newcastle , Everton iyo Aston Villa ayaa dhamaantood xiiso u muujinaya Tomas Soucek, oo 27 jir ah, iyadoo mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Czech uu shaki ku jiro inuu ku sii jeedo West Ham isagoo ka duulaya heshiis cusub. Sun

Agaasimaha Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka xanta ah ee sheegaya in kooxda Bundesliga ka dhisan ay dooneyso inay lasoo saxiixato weeraryahanka Manchester United iyo Portugal Cristiano Ronaldo, oo 37 jir ah. Sky Germany

Garabka Leeds iyo Brazil Raphinha, oo 25 jir ah, ayaa diiday dalabyo uga yimid kooxaha kale ee Premier League sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu ku biiro Barcelona . Sport

Nottingham Forest ayaa heshiis amaah ah kula soo saxiixatay goolhayaha England Dean Henderson, 25, amaah kaga yimid Manchester United iyo Nigeria weeraryahanka Taiwo Awoniyi, 24, oo uga yimid Union Berlin £ 17m. (Guardian)

Chelsea ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya goolhayaha Spain Kepa Arrizabalaga ka dib markii uu 27 jirkaan u sheegay Marca .in “ujeedadiisa cad ay tahay inuu ciyaaro”. Mirror

Maamulaha Chelsea Thomas Tuchel ayaa milkiilayaasha cusub ee kooxda u ballan qaaday ilaa lix saxiix oo xagaaga ah. Telegraph

Manchester United iyo Ralf Rangnick ayaa ku heshiiyey inay xidhiidhka u jaraan dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore qayb ahaan sababtoo ah maamulaha cusub Erik ten Hag oo ka caga jiidaya inuu la shaqeeyo jarmalka doorkiisa latalinta. ESPN

Atletico Madrid ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca midig ee Spain Hector Bellerin xagaagan ka dib markii 27 jirkaan uu xilli ciyaareedkii hore amaah ugu soo ciyaaray Real Betis oo uu kaga soo biiray Arsenal . Goal

Barcelona ayaa rajeyneysa in Tottenham ay ku qanciso daafaca dhexe ee France Clement Lenglet, oo 27 jir ah, inuu u dhaqaaqo Premier League si kooxda La Liga ay u bilowdo xagaaga nadiifinta ciyaartoydeeda. ESPN

Tottenham iyo Middlesbrough ayaan wali ku heshiinin qiimaha ay kula soo wareegayaan daafaca midig ee xulka England ee 21 jirada Djed Spence, iyadoo kooxda Championship ay ku rabto 21 jirkaan 15 milyan ginni oo lagu daray waxyaabo dheeri ah. Sun

Garabka Brazil Anthony, oo 22 jir ah – kaasoo aad u doonaya inuu ku biiro tababarihii hore ee Erik ten Hag ee Manchester United – ayaa la waayay iyadoo Ajax ay dib u bilowday jimcihii tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub. Mirror

Daafaca dhexe ee Slovakia Milan Skriniar, oo 27 jir ah, ayaa ogolaaday inuu Paris St-Germain kaga biiro Inter Milan . Gazzetta dello Sport – af Talyaani

David Beckham ayaa kala hadlay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chile Arturo Vidal rajada ah inuu u saxiixo kooxdiisa MLS ee Inter Miami marka 35 jirkaan uu ka tago Inter Milan . Marca

Club Brugge ayaa go’aansatey in aysan tijaabin weeraryahankii hore ee England Andy Carroll, kaasoo raadinaya koox cusub ka dib markii uu ka tagay West Brom , iyadoo ‘tijaabooyin caafimaad oo ku filan’ lagu sameeyay 33-sano jirkaan. Het Laatste Nieuws 

Paris St-Germain ayaa heshiis la gaartay kooxda Nice oo ku aadan tababaraheeda Christophe Galtier, waxaana tababaraha reer France uu qarka u saaran yahay inuu bedelo Mauricio Pochettino oo ah macalinka kooxda. Le Parisien

Previous articleReal Madrid Oo Qiimo hoose loogu soo bandhigay Saxiixa Neymar
Next articleWar Rasmi Ah: Arsenal iyo Man City oo ku heshiiyey qiimaha Gabriel Jesus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here