Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.
Real Madrid ayaa wax ka weydiisay helitaanka weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka Albania Armando Broja, oo 20 jir ah, kaasoo qaab amaah ah ugu biiray Southampton xilli ciyaareedkii hore. Standard
Daafaca garabka bidix ee kooxda Bayern Munich Benjamin Pavard, oo 26 jir ah, ayaa diyaar u ah inuu ku biiro Chelsea hadii ay dalab dhab ah ka gudbiyaan. Bild
Weeraryahanka Chelsea ee Jarmalka Timo Werner, oo 26 jir ah, ayaa aqbalay dhimista 50% mushaharka si uu ugu biiro RB Leipzig waxaana laga wada hadlayaa lacagta amaahda ah ee lagu burburin karo iibka. Bild
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland Memphis Depay, oo 28 jir ah, ayaa ka mid ah dookhyada Juventus ee weeraryahan cusub, si la mid ah Werner iyo weeraryahanka Atletico Madrid ee Spain Alvaro Morata, oo 29 jir ah, laakiin ma jirin wada hadalo toos ah oo dhexmaray Tottenham iyo Depay. Fabrizio Romano
Juventus ayaa sidoo kale xiisaynaysa weeraryahanka reer France Anthony Martial oo ay Manchester United kaga soo qaadatay amaah, laakiin tababaraha Red Devils Erik ten Hag ayaa doonaya inuu sii haysto 26 jirkaan. Calciomercato
Manchester United ayaa la kulantay wakiilka Red Bull Salzburg ee Benjamin Sesko iyagoo ka wada hadlay suurtogalnimada ay ugu dhaqaaqi karaan 19 jirka weerarka uga ciyaara Slovenia. Manchester Evening News
Si kastaba ha ahaatee, Salzburg ayaa ku dooneysa Sesko ugu yaraan 65m euros (£55m), taasoo aad uga badan inta ay United diyaar u tahay inay bixiso.Telegraph – subscription required
Manchester City ayaa beenisay inay diyaar u tahay inay Barcelona ka iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Bernardo Silva, oo 27 jir ah, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in bixitaankiisa ay maalgalinayso heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Lyon iyo xulka Brazil Lucas Paqueta, 24. Mail
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England James Maddison, oo 25 jir ah, ayaa qarka u saaran in loo soo bandhigo heshiis la wanaajiyey oo uu ku sii joogayo Leicester City si loogu abaalmariyo qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee xilli ciyaareedkii hore. Mail
Manchester United ayaa la kulantay wakiilada Fabian Ruiz heshiis macquul ah oo ay kula soo wareegayaan 26 jirka reer Spain iyo kooxda Napoli . Sun
Chelsea ayaa dalabkii ugu horeeyay u gudbisay Inter Milan si ay u hesho 19 jirka khadka dhexe ee reer Italy Cesare Casadei. Gianluca di Marzio
Everton ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Ross Barkley, oo 28 jir ah, kana tirsan Chelsea , waxayna sidoo kale dooneysaa inay 28 jirka reer Belgium Michy Batshuayi iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Scotland Billy Gilmour, 21, ka soo qaataan kooxda ka dhisan Stamford Bridge. 90 min
Rennes ayaa heshiis la gaartay Tottenham si ay ula soo saxiixato daafaca Wales Joe Rodon, 24, amaah hal xilli ciyaareed ah. (90 min)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wales Aaron Ramsey, oo 31 jir ah, ayaa xiiso ka helaya kooxaha horyaalka MLS ka dib markii uu soo afjaray qandaraaskiisa Juventus , waxaana uu horey u diiday fursad uu kula midoobo tababarihii hore ee Juve Andrea Pirlo ee kooxda Turkiga Fatih Karagumruk . Mail
Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay inay jirto “Suurtogal xoogan” bartilmaameedka Manchester United Frenkie de Jong inuu sii joogi doono kooxda, islamarkaana uu “ku dadaali doono” inuu sii haysto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands, 25. CBS Sports.
Madaxa fulinta ee United Richard Arnold ayaa sameeyay xarun cilmi baaris oo ay ku jiraan tababarihii hore ee Sir Alex Ferguson, madaxii hore ee fulinta David Gill, kabtankii hore ee Bryan Robson iyo agaasimaha kubada cagta ee haatan John Murtough si ay ugala taliyaan arimo ay ka mid yihiin dib u dhiska xarunta tababarka kooxda ee Carrington. Mail
Newcastle ayaa diyaar u ah inay ku kiciso 17.5 milyan ginni ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Burnley Maxwel Cornet kaasoo lagu burburin karo qandaraaskiisa 25 jirka reer Ivory Coast, oo sidoo kale lala xiriirinayo Everton , Nottingham Forest iyo Chelsea . Talksport
Napoli ayaa kala xiriirtay Tottenham heshiis macquul ah 26 jirka reer Argentina ee Giovani lo Celso. Alfredo Pedulla
Aston Villa ayaa rajo ka qabta in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Douglas Luiz uu saxiixi doono qandaraas cusub isagoo wadahadalo la furay 24 jirkaan. Telegraph – subscription required
Kooxda Serie A ka dhisan ee Salernitana ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Finland Glen Kamara, oo 26 jir ah, kana tirsan Rangers . 90 Min