Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.
Atletico Madrid ayaa la xiriirtay wakiillada Cristiano Ronaldo si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer Portugal, oo 37 jir ah, kana tirsan Manchester United .AS
Laakiin maamulaha cusub ee United Erik ten Hag ayaa sheegay in Ronaldo uu sii joogi karo Old Trafford wax ka badan sanadka uu uga haray qandaraaskiisa. Guardian
Chelsea ayaa horay heshiis shaqsi ah ula gaartay Jules Kounde waxayna hadda Sevilla u soo bandhigtay 55m euros (£46.7m) si ay u hesho daafaca France, 23. Marca
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wales Aaron Ramsey, oo 31 jir ah, ayaa wadahadalo kula jira Juventus si uu u dhameeyo sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa islamarkaana loogu ogolaado inuu koox kale ugu saxiixo bilaash. Mail
Daafaca Netherlands Matthijs de Ligt, oo 22 jir ah, ayaa yimid Jarmalka si uu u dhameystiro ka dhaqaaqistiisa Juventus kuna biiray Bayern Munich ka dib markii ay kooxuhu isku raaceen qiimo dhan 70m euros (£59.4m) iyo 10m euros (£8.5m) oo dheeri ah. Corriere dello Sport
Barcelona ayaa wali diidan inay ka go’an tahay inay ku bixiso 17 milyan euros (£14.4m) oo ah ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Frenkie de Jong, taasoo sii wadi doonta ismari waaga 25 jirkaan ee suurtogalka ah inuu u dhaqaaqo Manchester United . Independent
West Ham ayaa kalsooni ku qabta inay la soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Amadou Onana, oo 20 jir ah, ka dib markii ay dalab cusub ka gudbisay 30 milyan ginni oo lagu daray waxyaabo kale.
Hammers ayaa sidoo kale xiiseyneysa ciyaaryahankii amaahda ahaa ee Jesse Lingard, iyadoo weeraryahanka England, 29, uu hadda yahay wakiil xor ah ka dib markii uu ka tagay Manchester United . Standard
Leeds iyo West Ham ayaa xiiseynaya saxiixa weeraryahanka Faransiiska Martin Terrier ee Rennes , kaasoo ugu yaraan 40m euros (£ 34m) ku doonaya 25 jirkaan. L’Equipe
Weeraryahanka reer Portugal ee Wolves Fabio Silva, oo 19 jir ah, ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka u maro Anderlecht ka dib markii uu ogolaaday inuu amaah ugu biiro kooxda Belgian. Fabrizio Romano
Rajadii Arsenal ay ka qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Brazil Lucas Paqueta, oo 24 jir ah, ayaa sare u kacday iyadoo Lyon ay hoos u dhigtay qiimihii ay ku dooneysay. Media Foot – in French
Manchester City ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay daafaca bidix ee Brighton iyo Spain Marc Cucurella , 23, si uu ugu bedelo Oleksandr Zinchenko, oo 25 jir ah. Fabrizio Romano
Napoli ayaa xiiseyneysa inay si joogto ah ama amaah ah ula soo saxiixato 27-jirka reer Spain goolhayaha kooxda Chelsea Kepa Arrizabalaga. Standard
Paulo Dybala ayaa ogolaaday inuu Roma ugu biiro mushahar dhimis marka loo eego waxa ay Napoli soo bandhigi lahayd. Weeraryahanka Argentina, 28, waa wakiil xor ah ka dib markii uu ka tagay Juventus . Corriere dello Sport
Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Paris St-Germain ee dalka Holland Georginio Wijnaldum ayaa loo soo bandhigay kooxaha Roma iyo AC Milan kuwaas oo ka fikiraya in ay amaah ku qaataan iyaga oo dooranaya in ay si joogto ah u iibsadaan 31 jirkan. Calciomercato
AC Milan ayaa sidoo kale rajaynaysa in ay dhamaystirto heshiiska ay todobaadkan kula soo saxiixanayso daafaca reer England ee Tottenham ee Japhet Tanganga, 23 jir, amaah ay ku iibsan karto. Calciomercato
Chelsea ayaa isha ku heysa inay iska iibiso ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England Ross Barkley, oo 28 jir ah, ka hor bilowga xilli ciyaareedka. Mirror
Billy Gilmour ayaa qarka u saaran inuu amaah kale uga tago Chelsea ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee Scotland, oo 21 jir ah, laga soo fasaxay kooxdii koowaad ee tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka. Mail
Wolves ayaa ah kooxda kaliya ee u dhaqaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Portugal Matheus Nunes, oo 23 jir ah, kana tirsan Sporting Lisbon . Record
Nottingham Forest ayaa kula biirtay Everton tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Ivory Coast Maxwel Cornet, oo 25 jir ah, kana tirsan kooxda Burnley . Times – subscription required
Middlesbrough ayaa qorsheynaysa inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Brentford Marcus Forss, 23 jirka reer Finland kaasoo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Hull City . Football Insider
QPR iyo Blackburn ayaa qorsheeyey inay la soo wareegaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton Taylor Richards, oo 21 jir ah, kaasoo amaah ku joogay Birmingham City xilli ciyaareedkii hore. Football Insider