Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Talaado ah 20-ka September

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Tababaraha Chelsea Graham Potter ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo saxiixa xiddiga Tottenham iyo England Harry Kane, oo 29 jir ah, waxaana uu diyaar u yahay inuu u soo bandhigo weeraryahanka Belgium Romelu Lukaku, 29, bedelkiisa. Calciomercato – italy

Christoph Freund, oo 45 jir ah, kaasoo lagu soo waramayo inuu yahay musharaxa ugu cadcad ee qabanaya xilka agaasimaha ciyaaraha ee Chelsea , ayaa laga yaabaa inuu sii joogo RB Salzburg . Sports.

Manchester United ayaa la xiriirtay wakiilada 21 jirka Benfica ee weerarka uga ciyaara Portugal Goncalo Ramos – bartilmaameedka Newcastle United iyo Bayern Munich ayaa lagu qiimeeyaa 25 milyan ginni laakiin waxaa lagu soo waramayaa inuu leeyahay 100 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa. Sun

Madaxda Old Trafford ayaa ku kala qaybsan siyaasadda suuqa kala iibsiga – Erik ten Hag ayaa doonaya inuu saxiixyo badan sameeyo bisha Janaayo, laakiin madaxa fulinta Richard Arnold ayaa doonaya inuu sugo ilaa xagaaga. Sport.

Manchester City ayaa qarka u saaran inay kula biirto Chelsea iyo Tottenham tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Inter Milan iyo Slovakia Milan Skriniar, oo 27 jir ah, xagaaga soo aadan. Star.

Liverpool ayaa xiiseyneysa garabka Shakhtar Donetsk Mykhaylo Mudryk, oo 21 jir ah, kaasoo lala barbardhigay Neymar. Calciomercato – italy

Leicester ma awoodo inay ceyriso tababare Brendan Rodgers maadaama ay ku qaadaneyso 10 milyan ginni. Sun

Haddii Leicester ay iska ceyriso Rodgers, liiska ay u sharaxan yihiin tababaraha cusub waxaa ku jira Mauricio Pochettino, Rafael Benitez iyo Sean Dyche. Sun

Liverpool ayaa isha ku haysa xiddiga khadka dhexe ee Flamengo Joao Gomes, oo 21 jir ah, xilli Jurgen Klopp uu ka raadinayo xoojinta aagga dhibaatada. Talksport

Daafaca France Benjamin Pavard ayaa ku fikiray inuu ka tago Bayern Munich xagaagan, iyadoo Manchester United , Chelsea , Paris St-Germain , Atletico Madrid iyo Juventus ay isha ku hayaan 26 jirkaan. Telefoot, via Standard

West Ham ayaa u sheegtay garabka reer Argentine Manuel Lanzini, oo 29 jir ah, inuu xor u yahay inuu baxo bisha Janaayo, waxaana ay isku dayday inay hesho iibsade ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaaga. Football Insider

Barcelona ayaa xiiso u qabta in ay si xor ah kula soo saxiixato xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Marco Asensio oo 26 jir ah marka uu heshiiskiisu dhaco xagaaga dambe. Mundo Deportivo – spanish

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay Luis Suarez ayaa kaliya hal xilli ciyaareed ku qaadan doona dalkiisa hooyo Nacional , iyadoo madaxweynaha kooxda uu xaqiijiyay in weeraryahanka oo 35 jir ah uu ka tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan. ESPN

Bayern Munich ayaa si cad u taageertay tababare Julian Nagelsmann ka dib guuldaradii ka soo gaartay Augsburg isbuucaan, taasoo ka dhigtay kooxda heysata horyaalka Bundesliga kaalinta shanaad ee Bundesliga. Sky Sports

Kooxaha Premier League ayaa lagu soo waramayaa inay daawadaan garabka Eintracht Frankfurt Ansgar Knauff, oo 20 jir ah, iyadoo lala barbardhigay Arjen Robben. Sport1

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*