Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Talaado Ah 21 June

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com.

Arsenal ayaa ku dhow inay la soo wareegto weeraryahanka reer Brazil Raphinha oo ka yimid Leeds United , iyadoo xiisihii Barcelona ee 25 jirka uu qaboojiyay. Gool

Chelsea ayaa ku biirtay Tottenham oo doonaysa inay la soo wareegto weeraryahanka reer Brazil Richarlison oo ka tirsan Everton , kaasoo 25 sanno jirkaan ku doonaya in ka badan 50 milyan ginni. Mail

Marina Granovskaia, oo la wareegtay maamulka heshiisyada suuqa kala iibsiga ee Chelsea, xilligii milkiilihii hore ee Blues Roman Abramovich, ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda. Guardian

West Ham ayaa ku dhow inay 30 milyan ginni ku dalbato 20 jirka weerarka uga ciyaara Chelsea iyo Albania Armando Broja, kaasoo qaab amaah ah ugu biiray Southampton xilli ciyaareedkii hore. Sky Sports

Tottenham ayaa xiriir la sameysay xerada kubad sameeyaha Danmark Christian Eriksen dhowr usbuuc ka hor, laakiin ma aysan daba galin xiisaha ciyaaryahankoodii hore ee 30 jirka ah, kaasoo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore ku qaatay Brentford . Football London

Tababaraha cusub ee Manchester United Erik ten Hag ayaa kooxda u sheegay in uu doonayo in ay la soo saxiixdaan Eriksen iyo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong oo 25 jir ah Goal

Manchester United ayaa dalab 55 milyan ginni ah ka gudbisay weeraryahanka reer Brazil Evanilson waxaa diiday Porto laakiin kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa qorsheyneysa inay dalab cusub ka gudbiso 22 jirkaan.  Mail

Iyadoo ay ku guuldareysatay inay la soo wareegto 21-jirka reer Holland Jurrien Timber, Manchester United ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo saxiixa saaxiibkiisa Ajax Lisandro Martinez. Daafaca dhexe ee Argentina oo 24 jir ah ayaa sidoo kale diirada u saaran Arsenal . Mirror

Manchester United ayaa sidoo kale ku dhow inay 40 milyan ginni kula soo wareegto garabka reer Brazil iyo kooxda Ajax ee Antony, oo 22 jir ah. Sun

Paris St-Germain ayaa bilaabi doonta dalab cusub oo ay kula soo saxiixaneyso daafaca Inter Milan iyo Slovakia Milan Skriniar, 27. Fabrizio Romano

Inter ayaa la kulmi doonta daafaca reer Brazil ee Torino Bremer, oo 25 jir ah, iyagoo bilaabaya raadinta bedelka. Fabrizio Romano

Leeds ayaa ka fikiraysa u dhaqaaqista RB Leipzig iyo khadka dhexe ee USA Tyler Adams, oo 23 jir ah, iyagoo isku diyaarinaya inuu Kalvin Phillip ka tago Man City. mail

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay inuu doonayo 27 jirka khadka dhexe ee Portugal Bernardo Silva, kaasoo lala xiriirinayo Barcelona , ​​inuu sii joogo kooxda heysata horyaalka Premier League, laakiin wuxuu raaciyay inuusan jeclayn inuu kooxda ku sii hayo ciyaartoy “aan ku faraxsanayn”. Metro

Aston Villa ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada 27-jirka khadka dhexe ee Scotland John McGinn xagaagan. Insider

Garabka Masar Trezeguet, oo 27 jir ah, ayaa ku dhow inuu ka tago Aston Villa si uu ugu biiro kooxda Turkiga ee Trabzonspor qiimo dhan 3 milyan ginni. Mail

Tababaraha kooxda Nottingham Forest Steve Cooper oo kooxdiisa ku hogaamiyay in ay u soo dalacdaan horyaalka Premier league xilli ciyaareedkii hore ayaa qarka u saaran in uu heshiis wakhti dheer ah u saxiixo kooxda. Nottinghamshire Live

Forest ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta 24 jirka reer Nigeria Taiwo Awoniyi oo ay kula soo wareegayaan 17.5 milyan ginni kooxda Jarmalka ee Union Berlin . Telegraph

Si kastaba ha ahaatee, Forest ayaa qarka u saaran inay weydo Awoniyi maadaama uu qorsheynayo inuu iska diido iyadoo ay jiraan kooxo kale oo badan. Insider

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Denmark Pierre-Emile Hojberg ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Tottenham laakiin Spurs ayaan wax niyad ah u haynin inay iibiso 26 jirkaan. Football London

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*