Home Horyaalka Spain Wararkii ugu Danbeeyay Eden Hazard oo Garoomada seegi doona seddex isbuuc dhaawacii...

Wararkii ugu Danbeeyay Eden Hazard oo Garoomada seegi doona seddex isbuuc dhaawacii soo gaaray dartii

0

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Belgium Eden Hazard maqnaansho dhanka garoomada ka dib dhaawac bowdada ah oo kasoo gaaray kulank Real Madrid ee Alaves.

29 jirkaan ayaa ciyaaray kaliya lix kulan ololahan iyadoo ay jiraan arimo dhaawacyo ah iyo baaris dhanka coronavirus ee bishii hore.

“Ka dib baaritaano maanta lagu sameeyay ciyaariyahankeena, Eden Hazard, oo ay sameeyeen dhaqaatiirta Real Madrid, waxaa lagu ogaaday inuu dhaawaca uu ka qabo muruqa ee lugtiisa midig. Soo kabashadiisa la sii qiimeyn doonaa” sida lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda.

Tan iyo markii uu 88 milyan oo ginni uga soo wareegay Chelsea uguna wareegay Real Madrid 2019, Hazard ayaa garoomada ka maqnaa 35 kulan wadar ahaan tiradaasna wey sii kordheysaa iyadoo lagu dhawaaqayo mudo kale uu maqnaanayo

Hazard ayaa ka maqnaan doona labada kulan ee ugu dambeeya Champions League, oo ay ku jiraan kulanka Shakhtar Donetsk iyo sidoo kale kulanka Sabtida ee ay booqanayaan Sevilla iyo kulanka Derby ee ay la leeyihiin Atletico Madrid 12ka December marka la eego sadexda isbuuc ee uu maqnaanayo

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here