Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Khamiis Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Khamiis Ah 22-ka Augusto

0

Kooxda Manchester United ayaa lasoo wareegtay fursad ay ku saxiixaneyso daafaca daafaca xulka dalka England Ben Chilwell kadib markii 27-jirka la sheegay in uusan kasoo muuqan qorshaha uu wado Hogaamiyaha Enzo Maresca. (Talksport)

Kooxda West Ham ayaa doonaysa inay kala saxiixato 27-jirka qadka dhexe ee xulka dalka Spain Carlos Soler kana ciyaara Paris St-Germain laakin waa inay iska iibiso ciyaartoyda ka hor inta aysan soo iibsan. (Guardian)

Daafaca kooxda Brighton Valentin Barco ee 20-jir ah ayaa lagu wadaa inuu amaah ugu soo biiro kooxda Sevilla lakiin heshiiska ku aadan xidiga xulka dalka Argentina ayaan ku jirin fursad ay ku iibsan karto. (Fabrizio Romano)

Agaasimaha kooxda Napoli Giovanni Manna ayaa dib ugu soo laabtay England si uu u sii wado wadahadalada ay kula soo wareegi doonaan laacibka qadka dhexe ee kooxda Brighton iyo Scotland Billy Gilmour oo 23 jir ah, weeraryahanka chelsea iyo xulka belgiumka ee Romelu Lukaku oo 31 jir ah iyo xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Scott McTominay oo 27 jir ah. (Gianluca di Marzio – in Italian)

Watford ayaa heshiis amaah ah xilli ciyaareed deyn ah kooxda Bournemouth kula heshiiyay 21 jirka reer Canada u dhashay dalka Ingiriiska ee Daniel Jebbison oo ah 21-jir u dhashay dalka Canada. (Sky Sports)

Laacibkii hore ee xulka dalka England Raheem Sterling oo 29-jir ah ayaa doonaya inuu kasii mid noqdo horyaalka Premier League kadib markii loo sheegay inuusan mustaqbal ka lahayn chelsea. (Sky Sports)

Barcelona ayaa ka fikiraysa inay u dhaqaaqdo kooxda Juventus 26-jirka xulka dalka Italy federico Chiesa. (ESPN)

Kooxda Manchester United ayaa ku dhowaaqeysa heshiis ay kula saxiixaneyso laacibka qadka dhexe ee reer Uruguay ee Manuel Ugarte oo 23-jir ah kana ciyaari doona kooxda Paris St-Germain. (Sky Germany)

PSG diyaar uma ahan inay hoos u dhigto qiimayntooda ku aadan £51m ee Ugarte. (Mirror)

20-jirka kooxda arsenal Charlie Patino oo ah 20-jirka u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ku dhow inuu ku biiro kooxda deportivo La Coruna oo si joogto ah ugu dhaqaaqayo. . (Athletic – subscription required)

Kooxda Fulham ayaa heshiis la gashay kooxda Lyon si ay u saxiixdo 21-jirka xulka dalka Faransiiska Rayan Cherki. (L’Equipe – in French)

Lyon ayaa aqbashay dalab qiimihiisu yahay £ 16.7m oo ka socda Fulham loogu talagalay Cherki (Mail)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here