Kooxda Manchester City ayaa si xoogan uga fakareysa macalinka kooxda Sporting Ruben Amorim oo 39-jir ah in macalinkeeda xiga uu noqdo haddii Pep Guardiola oo 53-jir ah uu ka tago markii uu qandaraaskiisa ku ekyahay dhamaadka xilli ciyaareedkaan. (Guardian)
Daafaca kooxda Bayern Munich ee canada Alphonso Davies oo 23-jir ah ayaa bartilmaameed muhiim ah u ah kooxda Manchester United xagaaga soo socda. (Sky Germany)
Kooxda Manchester United ayaa si cad u xaqiijisay inay £40 m ku iibiso 24-jirka reer Brazil antony ama uu u ogolaan karo inuu amaah kaga baxo bisha Janaayo. (Mail via Gool)
Barcelona ayaa laga yaabaa inay bartilmaameedsato laacibka qadka dhexe ee xulka dalka Belgium-ka Romeo Lavia iyo xidiga qadka dhexe ee xulka dalka Ingiriiska Carney Chukwuemeka oo labaduba 20-jir kasoo ciyaari doona chelsea bisha january. (Sport – in Spanish)
Laacibka dalka Sweden Alexander Isak oo 25-jir ah ayaa heegan galiyay kooxo ay ka mid tahay Arsenal, iyadoo uu wali ku sii socdo saxiixa heshiis cusub oo uu kusoo gabagabeynayo kooxda Newcastle. (TalkSPORT), dibadda
Laacibka qadka dhexe ee xulka dalka Senegal Cheikhou Kouyate oo 34-jir ah ayaa talaadadii xalay caafimaad u soo qaatay kooxda Leeds asigoo wakiil xor ah kasoo tagay ka dib markii uu ka tagay garoonka Nottingham Forest. (Football Insider)
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa sii xiiseyneysa saxiixa 26-jirka xulka dalka England ee Lagu magacaabo Marcus Rashford oo ka ciyaara kooxda Manchester United kadib markii ay dib ugu laabatay qaabka xagaaga. (Team talk)
Chelsea ayaa diyaar u ah inay u madadaasho dalabyada horyaalka France Christopher Nkunku, oo 26-jir ah, ayada oo ay xiriir la leeyihiin Paris St-Germain. (Football Insider)
Kooxaha Tottenham iyo Crystal Palace ayaa labaduba xiiseynaya 21-jirka lille iyo daafaca xulka Iceland Hakon Arnar Haraldsson. (Football Transfers)
Qodobka lagu sii daynayo Espanyol 23-jirka xulka dalka Spain Joan Garcia oo xagaagii ay Arsenal ku dooneysay ayaa waxaa lagu jaray 25-ka euro (£20.83m). (Mundo Deportivo – in Spanish)
Kooxda Manchester City ayaa laga yaabaa inay ku dalbato qarashka ugu sareeya ee kala iibsiga aduunka si ay ugu soo biirto weeraryahanka Norway Erling Haaland oo 24-jir ka ah inuu ku biiro labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona. (Team talk)
Dhanka kale Kooxda City ayaa kala soo biirtay chelsea, Arsenal iyo Tottenham iyagoo ilaalinaya laacibka qadka dhexe ee Shakhtar Donetsk iyo Ukraine Georgiy Sudakov oo 22-jir ah. (I Sport)
Kooxda Manchester City ayaa soo ceshay 18-jirka qadka dhexe ee xulka Argentine Claudio Echeverri bisha January, iyadoo u oggolaatay inuu amaah ku sii joogo kooxda River Plate kadib markii ay u saxiixday bishii January. (Manchester Evening News)
Garabka arsenal ee Bukayo Saka oo 23-jir ah ayaa rajo ka qaba inuu taam noqdo ciyaarta horyaalka Premier League ee ka dhici doonta bournemouth ee sabtida kaddib markii uu kasoo laabtay waajibaadkii England ee uu ka mari lahaa dhaawaca muruqa. (Athletic – times)