Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Axad Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Axad Ah 28-ka July

0

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Kalvin Phillips, oo 28 jir ah, ayaa u sheegay Manchester City inuu doonayo inuu si joogto ah uga tago kooxda, iyadoo Everton iyo Aston Villa ay ka fiirsanayaan heshiis amaah ah. (Football Insider)

Weeraryahanka Nigeria Kelechi Iheanacho, 27, ayaa ku dhow inuu ku biiro Sevilla ka dib markii uu dhacay qandaraaska uu kula jiro Leicester City . (Sky Germany),

Paris St-Germain ayaa wali ka shaqaynaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Bilbao iyo xulka qaranka Spain ee Nico Williams oo 22 jir ah. (RMC- in French).

Aston Villa ayaa doonaysa in ay xagaagan soo qaadato weeraryahanka Barcelona iyo xulka Brazil Raphinha, oo 27 jir ah (Insider).

Liverpool iyo Tottenham ayaa kula biiray Arsenal tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka reer Sweden Viktor Gyokeres, oo 26 jir ah, kana tirsan Sporting Lisbon . (Football Insider)

Heshiiska dhex maray Aston Villa iyo Atletico Madrid ayaan wali loo samayn weeraryahanka reer Portugal ee Joao Felix, oo 24 jir ah, iyada oo aan wax soo jeedin rasmi ah loo dirin kooxda reer Spain. (Fabrizio Romano)

Villa ayaa dooneysa in Atletico ay hoos u dhigto qiimaha ay ku dooneyso Felix ilaa 50-£60m haddii ay doonayaan inay u dhaqaaqaan ciyaaryahanka. (90min)

Newcastle ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso 40m euros (£33.73m) hadii ay doonayaan inay la soo wareegaan 22 sanno jirka daafaca dhexe ee Jarmalka Malick Thiaw oo ka tirsan AC Milan . (Gazzetta dello Sport – in Italian)

 

Arsenal iyo Chelsea ayaa ku dagaalamaya saxiixa weeraryahanka Manchester City iyo xulka Argentina Julian Alvarez, oo 24 jir ah (TeamTalk).

Arsenal ayaa sare u qaadi doonta isku daygeeda ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino, oo 28 jir ah, marka la xaqiijiyo imaatinka daafaca Italy Riccardo Calafiori, oo 22 jir ah, kana yimid Bologna . (90min)

Leicester City iyo Southampton ayaa xiisaynaya weeraryahanka Liverpool iyo Scotland Ben Doak, oo 18 jir ah, haddii kooxdu ay amaah ugu dhaqaaqdo. (The Athletic – subscription)

 

Waxaa socda wadahadalo u dhexeeya Manchester United iyo Bayern Munich oo ku saabsan heshiisyada daafaca Netherlands Matthijs de Ligt, 24, iyo 26 jirka daafaca Morocco Noussair Mazraoui, kuwaas oo labaduba doonaya inay u dhaqaaqaan Old Trafford. (Florian Plettenberg – Sky Germany)

Liverpool ayaa wali dooneysa inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Anthony Gordon, oo 23 jir ah, inkastoo Newcastle ay qorsheyneyso inay sii haysato.(Sunday World)
, external

Girona iyo Tottenham ayaa dhameystiraya heshiiska weeraryahanka reer Spain Bryan Gil, oo 23 jir ah, kaasoo qarka u saaran inuu amaah bilow ah ugu dhaqaaqo La Liga. (Fabrizio Romano)

Daafaca dhexe ee France Jean Clair-Todibo ayaa doonaya inuu Juventus kaga biiro kooxda Nice , 24 jirkaan wakiilkiisa ayaa ku sugan Italy si uu wadahadalo ula yeesho kooxda Serie A ka dhisan. (Sky Sports Italy)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here