Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Axad Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Axad Ah 8-Da September.

0

Weeraryahanka kooxda Manchester City Erling Haaland Erling Haaland ayaa 24-jir ah aya ku dhow in uu heshiis cusub ku heshiiyo kaas oo ka dhigi doona laacibka ugu mushaarka badan. (Marca – in Spanish)

Haaland ayaa waxaa la filayaa in heshiiska cusub ee ay Haaland soo saarto qodoba shaacin doona in uu galo kulanka ay Real Madrid ku gaari doonto hadii ay dooneyso inay mustaqbalka isaga saxiixdo. (Mail)

Kooxda Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhigeysa 23 jirka daafaca dhexe ee xulka dalka France William Saliba oo ah 23-jirkaan kooxda Arsenal iyo xulka dalka France. (Fichajes – in Spanish)

Macalinka kooxda Newcastle United Eddie Howe ayaa ka fikiraya inuu u dhaqaaqo laacibka reer Brazil ee Antony 24-ka ah kooxda Manchester United iyo Brazil Antony, hadii uusan dhicin heshiis uu 22-ka ciyaaryahanka reer Sweden ee nottingham forest u ciyaaraha dalka Sweden Anthony Elanga. (Caught Offside)

Newcastle ayaa isku dayi doonta inay saxiixato daafaca kooxda Crystal Palace Marc Guehi oo 24-jir ah, ku tijaabin doona heshiis qiimo jaban bisha January, markaas oo ay 18 bilood ka harsantahay heshiiskiisa, lakiin kooxda Eagles ayaa sii wadi doonta inay hesho qiimayntooda xidiga caalami ee xulka dalka England. (Football Insider)

Laacibka kooxda Bayern Munich Jamaal Musiala oo aad loo jeclaystay kooxda Manchester City ayaan wali meesha ka saarin inuu u dhaqaaqo xidiga kooxda Premier League. 21-jirka garabka Jarmalka ah ayaa waxaa heshiiskiisa uu haatan ku adkaanayaa bisha June ee 2026-ka. (Welt Am Sonntag, via Goal)

Daafaca reer Germany Jonathan Tah oo 28-jir ah ayaa sheegay in uusan kordhin doonin qandaraaskiisa bayer Leverkusen oo soconaya ilaa xagaaga 2025-ka, waxa uuna xaqiijiyay in bayern Munich ay ka mid ahayd kooxaha doonayay inay xagaaga la saxiixdaan. (90 Min)

Leverkusen ayaa laga yaabaa in lagu qasbi doono in uu Tah ku iibiyo qiimo jaban inta uu socdo suuqa kala iibsiga jiilaalka si looga hortago in daafaca dhexe uu lacag laʼaan ku baxo marka uu qandaraaskiisa ku baeedo xagaaga soo socda. (Fichajes – in Spanish)

Laacibka qadka dhexe ee reer France Adrien Rabiot ayaa ah laacib xor ah ka dib markii uu ka tagay kooxda Juventus, laakiin 29-jirkaan ayaan damacsaneyn inuu u dhaqaaqo koox ka dhisan dalka Turkey. (Fabrizio in Arabic)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here