Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Isniin Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Isniin Ah 16-Ka September

0

Kooxda Newcastle ayaa daba joogta 28-jirka reer Germany ee Leroy Sane oo ah 28-jirka reer Germany, kaasi oo heshiiska ka maqan dhamaadka xilli ciyaareedkaan. (Football Insider)

Kooxda Bayern Munich ayaa iyaduna sii xoojinaysa wadahadallada ay la yeelanayso Jamaal Musiala oo ah 21-sano oo ku saabsan heshiis kordhin ah, iyadoo la doonayo in la qaado laacibka qadka dhexe ee germany haatan uu ku ekyahay inuu ka dhamaan doono 2026-ka. (Sport1 – in Germen)

Ac Milan, Inter Milan iyo Napoli ayaa dhamaantood xiiseynaya inay la soo saxiixdaan laacibka qadka dhexe ee kooxda Torino ee 23-jirka dalka Italy Samuele Ricci. (Calciomercato – in Italian)

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Bayern Munich Max Eberl ayaa difaacay iibinta daafaca netherland ee Matthijs de Ligt oo 25-jir ah ku aadan Manchester United, isagoo sheegay in daafaca dhexe ee haatan ee kooxda ay ka awood badan yihiin inay daafac sare ka difaacaan garoonka. (Mirror)

Ganacsade Maraykan ah John Textor ayaa doonaya in xiddiga muusikada Jay-Z uu ku soo biiro dalabkiisa si uu u iibsado Everton. (Sun)

Xidiga qadka dhexe ee reer Germany Joshua Kimmich oo 29-jir ah ayaa ku dhow inuu cusboonaysiiyo heshiiskii uu la galay bayern Munich. (Sky Sports Germany)

Kimmich ayaa inkastoo ay raadineyso kooxda Barcelona iyadoo uu mar dhow ku dhow yahay inuu dhamaado heshiishka uu haatan la joogo kooxda ka ciyaaraaya horyaalka Bundesliga. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Liverpool ayaa u muuqata in aysan u dhaqaaqin 24-jirka kooxda Sevilla ee daafaca dhexe loic Bade, inkastoo lala xiriirinaayo laacibka reer France. (Matteo Moretto, via Yahoo)

Weeraryahanka heerka caalami ee jamaica Michail Antonio oo 34-jir ah iyo laacibka reer Ings ee dalka Ingiriiska Danny Ings, oo 32-jir ah ayaa laga yaabaa inay labaduba ka tagaan west Ham inta uusan dhicin heshiisyada ay kala kulmayaan xagaaga soo socda. (Football Insider)

Barcelona ayaa sheegtay inay dooneyso inay sii xajisato laacibka reer Spain ee Ansu Fati inkastoo 21-jirkaan uusan kooxda u ciyaarin kulan horyaalka ah tan iyo bishii August 2023, ka hor inta uusan xilli ciyaareedkii hore amaah ugu ciyaarin kooxda Brighton. (Fabrizio Romano)

Kooxda Manchester United ayaa laga diiday qaabka ay ku doonaysay inay kula soo wareegto saxiixa 20-jirkaan daafaca xulka senegal Mikayil Faye ka hor inta uusan kooxda rennes kaga soo biirin kooxda Barcelona. (Inkubator podcast, via Teamtalk)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here