Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Isniin Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Isniin Ah 29-ka July

0

Paris St-Germain ayaa mabda’a ahaan heshiis la gaartay 24 jirka weerarka uga ciyaara Ingariiska ee Jadon Sancho, laakiin waa inay la kulmaan qiimaha ay Manchester United ku dooneyso 50 milyan ginni. (Sports Zone – in French)

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Spain Nico Williams, oo qandaraas kula jira Athletic Bilbao ilaa 2027, ayaa go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa xilli lala xiriirinayo Barcelona iyo PSG.(Marca – in Spanish)

Manchester United ayaa bartilmaameedsan karta mid ka mid ah 26 jirka reer France ee daafaca midig Nordi Mukiele, 23 jirka khadka dhexe ee Uruguay Manuel Ugarte ama 29 jirka daafaca dhexe ee Slovakia Milan Skriniar oo suurtogal ah in ay heshiis isku dhaafsadaan Sancho. (Express)

West Ham ayaa wadahadalo la furtay daafaca midig ee Ingariiska Aaron Wan-Bissaka oo ka yimid Manchester United , kaasoo 26 sanno jirkaan ku qiimeeyay in ka badan 15 milyan ginni. (Sky Sports)

Manchester United ayaa ogolaatay qiimo u dhexeeya 15 ilaa 20 milyan ginni si ay ula soo wareegto daafaca midig ee Morocco Noussair Mazraoui oo ka tirsan Bayern Munich laakiin waxay u baahan yihiin inay iska iibiyaan Wan-Bissaka marka hore. (Guardian)

Chelsea ayaa xiriir la sameysay 26 jirka Juventus iyo Italy Federico Chiesa, kaasoo sidoo kale ay dooneyso Tottenham .(Team talk)

Genoa ayaa wali dabada ka riixaysa in ay heshiis la gaarto 33 sano jirka goolhayihii hore ee Spain David de Gea kaas oo aan ciyaarin tan iyo markii uu ka tagay Manchester United bishii July 2023. (Football Italia).

Si kastaba ha ahaatee, rajada laga qabo mushaharka De Gea, ayaa caddaynaysa inay caqabad ku tahay wada xaajoodyada. (Sky Sports)

Aston Villa ayaa dalab amaah ah u gudbisay 28 jirka khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Kalvin Phillips. (Football  Insider)

Barcelona uma badna inay lasoo saxiixato daafaca midig ee Portugal Joao Cancelo, oo 30 jir ah, sababtoo ah Manchester City ayaa 25 milyan ginni (30m euros) ku dooneysay. (Mundo Deportivo)

Everton ayaa ogolaatay heshiis ku kacaya 22 milyan ginni si ay ula soo saxiixato 23 jirka daafaca uga ciyaara Republic of Ireland Jake O’Brien kana tirsan kooxda reer France ee Lyon . (Sky Sports)

21 jirka garabka uga ciyaara Crystal Palace Jesurun Rak-Sakyi ayaa door bidaaya u dhaqaaqista Southampton marka loo eego Leeds xagaagan. (Football Insider)

West Ham ayaa diyaar u ah inay la kulanto AS Monaco 35m euros (£29.5m) oo ay ku doonayso 25 jirka khadka dhexe ee France Youssouf Fofana. (L’Equipe – in French)

Fofana ayaa heshiis afka ah kula jirta inuu ku biiro AC Milan . (Sky Germany)

AC Milan ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto 25 sanno jirka daafaca uga ciyaara kooxda Tottenham Emerson Royal . (Fabrizio Romano)

Arsenal ayaa ugu cadcad saxiixa weeraryahanka reer Sweden Viktor Gyokeres ee Sporting Lisbon, iyadoo Liverpool aysan diyaar u ahayn inay dalab ka gudbiso 26 jirkaan.(Team talk)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here