Daafaca dhanka midig ee kooxda Liverpool Trent Alexander-Arnold oo 26-jir ah ayaa qarka u saaran inuu u saxiixo kooxda Real Madrid, iyadoo xidiga xidiga heerka caalami ee xulka dalka Ingiriiska uu iska indha tirayo dalabyo cusub oo uu ku doonayo in uu u dheereeyo qandaraaskiisa uu ku egyahay xagaagan. (AS – in Spanish)
Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta kooxda Bayer Leverkusen laacibka netherlands ee Jeremie Frimpong iyo daafaca buuxa ee kooxda Bayern Munich ee canada Alphonso Davies, labadaba 24-jir, haddii Alexander-Arnold uu ku soo biiro kabaha kooxda Madrid. (Teamtalk)
Manchester City ayaa isha ku haysa daafaha xulka qaranka Nigeria ee kala ah Ola Aina, oo ah 28 jirkaan kooxda Nottingham forest oo ah 28-jirka xulka dalka Nigeria si uu ugu badalo 34-jirka u dhashay dalka Ingiriiska ee Kyle Walker. (Sun)
Arsenal ayaa xiiseyneysa goolhayaha Espanyol Joan Garcia, oo 23-jir ah, lakiin kooxda La Liga ayaa wali ku adkaysanaysa in kooxda reer Spain ay £25-m oo gini ku fasaxdo uu bixiyo lacag la’aan ah (Mirror)
Horyaalka Portugal iyo Al-Nassr Cristiano Ronaldo oo 39-jir ah ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu u dhaqaaqo kooxda Manchester City, inkastoo uu laba xili ciyaarood ka hor ciyaaray kooxda ay iska soo horjeedeen ee Manchester United. (Talksport)
Kooxda Chelsea ayaa la fileysaa inay kooxda Manchester United kala soo horjeesato saxiixa weeraryahanka France iyo Paris St-Germain Randal Kolo Muani oo 26 jir ah. (Foot Mercato – in French)
Kooxda Newcastle United ayaa xiiseyneysa dhabarka dhexe ee Lens Ee Abdukodir Khusanov £ 25 m, hase ahaatee waxa ay wajaheysaa tartan ay ugu jirto xidiga heerka caalami ee xulka dalka Uzbekistan ee Manchester City, Tottenham Hotspur, Leicester City iyo Wolves. (Chronicle)
Daafaca bidix ee kooxda Crystal Palace Tyrick Mitchell, oo 25-jir ah, ayaan damacsaneynin inuu mustaqbalkiisa muddada dheer u galo kooxda London, iyadoo garabka La Liga ee Atletico Madrid uu xiiseynayo laacibka reer Ingiriiska. (Caught Offside)
Kooxda Manchester City ayaa u badineysa in aysan eryadeynin laacibka qadka dhexe ee xulka dalka Spain Martin Zubimendi oo ah 25-jir, kaas oo wali aan rabin inuu kooxda Real Sociedad uga dhaqaaqo dalka Ingiriiska. (TBR Football)
Kooxda Brighton ayaa qorsheyneysa inay dib u ceshato goolhaye Carl Rushworth oo 23 jir ah xiligii uu amaahda ku joogay hull City xiisaha Horyaalka Dalka Ingiriiska. (Football Insider)
Kooxaha Southampton iyo Ipswich ayaa labaduba doonaya inay 29-ka bisha Janaayo kala saxiixdaan laacibka qadka dhexe ee Rennes iyo dalka Finland Glen Kamara. (TBR Football)
Kooxda Real Betis ayaa wadahadalo kula jirta wakiilada laacibka qadka dhexe ee reer Brazil Arthur ee Arthur oo 28-jir ah kuwaasi oo ku aadan in uu amaah ugu wareegayo kooxda Juventus. (Sport – in Spanish)