Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo IsniinAh 23-Ka...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo IsniinAh 23-Ka September

0

Kooxda Manchester City ayaa si adag ugu jirta saxiixa Jamaal Musiala ee dalka Germany jamal Musiala oo ah 21-ka balse waxa ay wajahayaan tartan ay kooxda Real Madrid ugu ciyaari doonaan laacibka qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich. (Teamtalk)

Weeraryahanka reer England Dominic Calvert-Lewin ayaa ku dhow inuu qandaraas cusub dhaafsiisanayo xagaaga soo socda kooxda Everton, iyadoo kooxda Newcastle United ay sii wadaan kormeerka xaaladda 27-ka sano jirkaan. (Caught OFFISDE)

Daafaca daafaca kooxda Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa heshiiskiisu dhamaanayaa xagaaga soo socda waxaana 25-jirka xidiga heerka caalami ee xulka dalka England uu sheegay in koobab ku guuleystay ay qayb weyn ka noqon doonto fikirkiisa marka ay timaado saxiixa heshiis kordhin. (Liverpool Echo)

Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Tottenham ayaa dhamaantood xiiseynaya cayaaraha Sporting iyo xulka dalka Sweden viktor Gyokeres oo 26 jir ah. (Teamtalk)

Newcastle ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee Premier League gashay tartanka ay kula jirto saxiixa laacibka u dhashay dalka Mareykanka ee Luca Koleosho oo ah 20-jir, kaasoo kooxda Burnley aad ula dhacsan. (HITC)

Horyaalka Premier League iyo horyaalka ugu sareeya Yurub ayaa isku dayaya inay heshiiyaan qorshe taas oo ka dhigan in uu xirmo suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda ka hor inta aan la billaabin xilli ciyaareedkan. (Mirror)

Macalinkii hore ee Brighton iyo Chelsea Graham Potter ayaa xiiseyn lahaa in uu la wareego xilka Everton hadii ay shaqada soo noqoto mid la heli karo. (Football Insider)

Real Madrid ayaa ilaalinaysa daafaca kooxda RB Leipzig iyo difaaca France Castello Lukeba 21. (Marca – in Spanish)

Aston Villa, Fulham iyo Nottingham Forest ayaa isha kula jira laacibka 24-jirka ah ee kooxda Galatasaray ee Baris Alper Alper Yilmaz, halka forest,Brighton iyo Tottenham ay xiiseynayaan 19-jirka Turkiga laacibka ah ee u dhashay dalka Turkiga Semih Kilicsoy oo ku sugan besiktas. (CaughtOffside)

Kooxda Scouts ee ka socotay Manchester United, Newcastle iyo Tottenham ayaa daawatay 18-ka ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka Ingriiska Tyler Dibling, isagoo sabtidii shalay u saxiixay kooxda Southampton. (HITC)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here