Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Sabti Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Sabti Ah 10-ka Augusto

0

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay dalab cusub ka gudbiso 22 jirka daafaca uga ciyaara Everton Jarrad Branthwaite – ka dib markii ay ogaadeen saxiixooda cusub, 18 jirka reer France ee daafaca Leny Yoro, uma badna inuu mar kale ciyaaro sanadkan. (Sun)

Daafaca dhexe ee Netherlands Matthijs de Ligt, oo 24 jir ah, iyo daafaca dambeedka midig ee Morocco Noussair Mazraoui, 26, ayaa la filayaa inay Manchester United kaga soo biiraan Bayern Munich iyadoo horumar laga samaynayo wadahadallada u dhexeeya labada kooxood. (Sky Sports Germany)

Juventus ayaa baaraysa suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto garabka England Raheem Sterling oo ka tirsan Chelsea laakiin waxay ogaatay inay tartan kala kulmi doonaan kooxaha kale ee Premier League 29 jirkaan. (Gianluca di Marzio – in Italian)

Bayern Munich ayaa ka baxday heshiis ay kula soo saxiixan lahayd 28 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Germany Jonathan Tah. (Kicker – in Germen)

Crystal Palace ayaa diiday dalab labaad, oo la rumeysan yahay inuu ku kacayo 50 milyan ginni, oo ay Newcastle United ka gudbisay daafaca dhexe ee Marc Guehi, oo 24 jir ah, iyadoo ay sii socdaan wadahadalada u dhaxeeya labada kooxood. (Sky Sports)

Daafaca Wolfsburg Maxence Lacroix ayay Crystal Palace u aqoonsatay inuu yahay ninka bedeli doona Guehi, iyadoo 24 jirkaan daafacan uu galay sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa kooxda Bundesliga ka dhisan. (Florian Plettenberg)

Maalqabeenka u dhashay dalka Mareykanka John Textor ayaa isku dayay inuu noqdo milkiilaha ugu badan ee Everton, taasoo soo afjari karta hadal heynta ku saabsan iibka kooxda. (Guardian)

Weeraryahanka Brazil Rodrygo, oo 23 jir ah, ayaan wax niyad ah u haynin inuu ka tago Real Madrid xitaa haddii Manchester City ay isku daydo inay u keento bedelka weeraryahanka Argentina Julian Alvarez, kaasoo qarka u saaran inuu ku biiro Atletico Madrid. (AS – in Spanish)

Crystal Palace ayaa wadahadalo kula jirta Galatasaray oo ku saabsan heshiis hal xilli ciyaareed ah oo ay kula soo wareegayso garabka hore ee Eagles Wilfried Zaha. 31 jirka reer Ivory Coast ayaa ka tagay kooxda ka dhisan Selhurst Park si uu beeca xorta ah ugu biiro kooxda Turkiga xagaagii hore. (Guardian)

Leicester City ayaa sidoo kale ka shaqaynaysa sidii ay Zaha ugala soo wareegi lahayd Galatasaray. (Athletic – subscription required)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay ganaax ku soo rogo 25 jirka reer England ee Eddie Nketiah inuu amaah ugu baxo Marseille iyadoo ay waajib ku tahay inay ku iibsadaan lacag dhan 25 milyan ginni. (Athletic – subscription required)

Wolverhampton Wanderers ayaa bartilmaameedsatay 20 jirka garabka uga ciyaara kooxda Ajax ee Carlos Forbs si ay u buuxiso booska Pedro Neto oo 24 jir ah kaas oo ku sii dhawaanaya u dhaqaaqista Chelsea. (Fabrizio Romano)

West Ham United ayaa ku dhow inay ku guuleysato tartanka loogu jiro saxiixa 24 sanno jirka daafaca uga ciyaara France ee Jean-Clair Todibo kaasoo ka tirsan kooxda Nice iyadoo loolan xoogan uu kala dhaxeeyo Juventus. (Telegraph – subscription required)

 

Kooxda horyaalka heerka labaad ee Queens Park Rangers ayaa xiisaynaysa 22 jirka weerarka uga ciyaara Japan ee Koki Saito kaas oo haatan ka tirsan kooxda Belgian ee Lommel. (West London Sport)

Barcelona ayaa albaabada ka xirtay u dhaqaaqista xiddiga Liverpool Luis Diaz laakiin agaasimaha ciyaaraha kooxda Catalan Deco iyo madaxweynaha Joan Laporta ayaa weli taageere u ah 27 jirka garabka uga ciyaara Colombia. (Sport – in Spanish)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here