Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Jimce Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Jimce Ah 11-ka October.

0

Galatasaray ayaan wax qorshe ah u haynin inay 25 jirka reer Nigeria ee Victor Osimhen amaah uga dhigto mid joogto ah, laakiin Chelsea ayaa weli xiiseynaysa. (Teamtalk)

Agaasimaha kooxda Napoli ee Mauro Meluso ayaa xaqiijiyay in Osimhen uu xor u yahay inuu kooxda kaga tago qiimo sax ah bisha Janaayo. (Metro)

Liverpool ayaa u aqoonsatay 23 jirka reer Holland ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong, 23 jirka reer Brazil ee Monaco Vanderson iyo 20 jirka reer Talyaani ee Fiorentina Michael Kayode inay yihiin bartilmaameedyo macquul ah haddii ay lumiyaan daafaca midig ee Trent Alexander-Arnold. (Cought Offside)

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa waxoogaa horumar ah ka samaynaysa wadahadalada heshiis kordhinta ah ee ay kula jirto xiddiga heerka caalami ee dalka England Alexander-Arnold, oo 26 jir ah (Insider)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Italy Jorginho, oo 32 jir ah, ayaa diirada saaraya mustaqbalkiisa Arsenal inkastoo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia. (Caught Offside)

Manchester United ayaa miisaamaysa inay dhaqaajiso qiimaha dib u iibsiga ee 21 jirka reer Spain ee Alvaro Fernandez qandaraaska uu kula jiro Benfica . (O Jogo – in Portuguese)

Tababarihii hore ee Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu sheegay inuu yahay badalka ugu macquulsan ee Erik ten Hag markii madaxda kubada cagta Manchester United ay kulmeen horaantii isbuucaan. (Independent)

Manchester City ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Sporting Lisbon ee Sweden Viktor Gyokeres, oo 26 jir ah, haddii Barcelona ay awoodo inay 24 jirka reer Norway Erling Haaland ka soo qaadato Etihad Stadium.(Football 365)

Newcastle ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka reer Ghana ee Bournemouth Antoine Semenyo, oo 24 jir ah, xilli ay tartan kula jiraan kooxaha Premier League. (Teamtalk)

Liverpool ayaa si aad ah u doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato daafaca dhexe ee Netherland Virgil van Dijk iyada oo ay sii kordhayaan wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka fog ee 33 jirkan. (Insider)

Reds ayaa sii wada qiimeynta bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga si ay u xoojiso daafaca dhexe ee Arne Slot, iyadoo booskaas ka dhigtay mudnaanta xagaaga soo aadan, iyadoo 24 jirka Sevilla ee Loic Bade iyo xiddiga Sporting ee Portugal Goncalo Inacio, 23, ay ka mid yihiin musharaxiinta. (Cought Offside)

Tababarihii hore ee Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa diiday wadahadalo ku saabsan qabashada shaqada Denmark sababtoo ah wuxuu wada xaajood kula jira koox weyn oo ku saabsan doorka macalinimo. (Tipsbladet – in  Danish)

Wolves ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo maamulaha Aberdeen Jimmy Thelin, haddii ay go’aansadaan inay ceyriyaan Gary O’Neil. (Sun)

West Ham ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay goolhayaha reer England ee 18 jirka ah Fin Herrick. (Insider)

Torino ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka reer Argentine ee Napoli Giovanni Simeone, 29, ka dib 33 jirka reer Colombia Duvan Zapata dhaawac jilibka ah. (Tuttosport – in Italian)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Senegal Cheikhou Kouyate, oo 34 jir ah, ayaa ka mid ah tiro yar oo ah wakiilada xorta ah ee Leeds United ay ku fikirayaan inay la soo wareegaan. (Yorkshire Evening Post)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here