Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Jimce Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Jimce Ah 16-ka Augusto

0

Manchester United ayaa u sheegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Denmark Christian Eriksen, oo 32 jir ah, inuu xor u yahay inuu helo koox cusub bishaan, islamarkaana uu kaga tagi karo qiimo jaban. (Football Insider)

Manchester United ayaan qorsheyneynin inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona iyo Netherlands Frenkie de Jong, oo 27 sanno jir ah, waxaana ay raadinayaan dookhyo kale. (Metro)

Atletico Madrid ayaa jeclaan lahayd inay dhamaystirto iibinta weeraryahanka Portugal Joao Felix, oo 24 jir ah, oo ay ka iibinayso Chelsea , ayna la soo wareegto 24 jirka khadka dhexe ee Blues Conor Gallagher Arbacada. (AS – in Spanish)

AC Milan ayaa heshiis la gaartay Monaco 25 jirka khadka dhexe ee Youssouf Fofana, kaasoo sidoo kale ay isha ku heysay Manchester United . (Sky Italy)

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta Burnley oo ku aadan saxiixa 26 jirka qadka dhexe ee Norway Sander Berge. (Sky Sports)

West Ham ayaa wax ka weydiisay u dhaqaaqista xiddiga khadka dhexe ee Paris St-Germain iyo Spain Carlos Soler, oo 27 jir ah. (Mail)

Tababarihii hore ee kooxda Chelsea Mauricio Pochettino ayaa ogolaaday inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka Maraykanka ee ragga isaga oo mas’uul ka ah inuu kooxda u hogaamiyo koobka aduunka 2026. (ESPN)

Kooxaha Championship Stoke City , Swansea City iyo Oxford United ayaa xiiseynaya saxiixa 20 jirka daafaca midig ee Scotland Max Johnston oo ka tirsan Sturm Graz . (Football Insider)

Union Berlin iyo Getafe ayaa hogaaminaya tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Ingariiska Cameron Archer, 22, amaah kaga yimid Aston Villa . (Fabrizio Romano)

Chelsea ayaa diyaarisay qiimo dhan 60 milyan oo gini si ay u hesho koox kasta oo xiisaynaysa saxiixa 22 jirka garabka uga ciyaara England ee Noni Madueke. (Athletic – subscription required)

Daaficii hore ee Chelsea iyo Spain Marcos Alonso, 34, ayaa “jeclaan lahaa inuu ku biiro” Manchester United ka dib markii uu noqday wakiil xor ah oo ka tagay Barcelona . (Fabrizio Romano Via Givemesport)

Paris St-Germain ayaa qarka u saaran inay Chelsea ku garaacdo saxiixa khadka dhexe ee Rennes ‘France Under-23 Desire Doue. (ESPN)

Everton ayaa ka hadlaysa suurtogalnimada amaah ay ku heli karto xiddiga khadka dhexe ee Napoli iyo Sweden Jens Castuje, oo 25 jir ah. (TeamTalk)

Brighton ayaa dalab horumar leh ka gudbisay 26 jirka daafaca uga ciyaara Olivier Boscagli – kaas oo u soo ciyaaray France heerkii da’yarta – laakiin wali kuma filna PSV Eindhoven . (Voetbal International – ee Dutch)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here