Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Jimce Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Jimce Ah 6-Da September.

0

Weeraryahanka reer Masar ee Liverpool Mohamed Salah, oo 32 jir ah, ayaa isha ku haya inuu saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono Anfield. (Liverpool Echo)

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay wadahadalo qandaraas cusub ah la furto Salah mustaqbalka dhow. (Talksport)

Reds ayaa rajeyneysa in mustaqbalkiisa la dejiyo ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (Football Insider)

Haddii kale, Liverpool ayaa filaysa Salah, daafaca Netherlands Virgil van Dijk, 33, iyo goolhayaha Brazil Alisson, 31, inay dhamaantood u dhaqaaqaan Saudi Arabia xagaaga soo aadan. (Cought Offside)

Al-Nassr ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa xiddiga khadka dhexe ee Manchester City iyo Croatia Mateo Kovacic, oo 30 jir ah, marka la gaaro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, iyadoo mushaar ahaan u qaadaneysa in ka badan £750,000 todobaadkii. (CBS Sports)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Casemiro, oo 32 jir ah, ayaa kaliya tixgelin doona dalabyada uu kaga tagayo Manchester United haddii loo sheego inuusan mustaqbal ku lahayn Old Trafford. (ESPN)

Casemiro ayaa laga yaabaa in uu kooxda ka tago maalmo gudahood. (Mirror)

Manchester United iyo Newcastle ayaa weli isku haysta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee France Adrien Rabiot, oo 29 jir ah, inkastoo dalab ka yimid Galatasaray uu miiska u saaran yahay ciyaaryahankii hore ee Juventus. (Teamtalk)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Colombia Steven Alzate, oo 25 jir ah, ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka maro ka hor inta uusan u dhaqaaqin Hull City, ka dib markii uu ka tagay Brighton horaantii xagaagan. (Sky Sports)

Flamengo ayaa xiriir la sameysay 28-jirka reer France Anthony Martial, kaasoo ah wakiil xor ah ka dib markii uu ka tagay Manchester United . (Fabrizio Romano)

Liverpool iyo Newcastle United ayay u badan tahay inay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaska – oo ka sarreeya 70 milyan oo ginni oo uu hadda ku dalbanayo – si ay ula soo saxiixdaan daafaca England Marc Guehi, oo 24 jir ah, haddii uu saxiixo heshiis cusub oo Crystal Palace ah. (Football Insider)

Manchester United ayaa Sam Erith u magacawday agaasimaha waxqabadka ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Mail)

Newcastle ayaa bixisay 10 milyan ginni si ay u xalliso dagaalka canshuuraha ee mudada dheer socday ee HM Revenue and Customs. (Sun)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here