Arsenal ayaa qorsheyneysa inay dalab ka gudbiso labo ciyaaryahan oo Bournemouth ah oo kala ah daafaca bidix ee Hungary Milos Kerkez, 20, iyo garabka Ghana Antoine Semenyo, 24. (CaughtOffside)
Tababaraha Newcastle Eddie Howe ayaan wax rabitaan ah u qabin in uu isaga tago kooxda inkasta oo uu ku jiro liiska u sharaxan shaqada tababaraha xulka qaranka England ee banaan. (Telegraph – subscription required
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Kobbie Mainoo, 19, ayaa ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo Manchester United . (Manchester Evening News)
Barcelona iyo Real Madrid ayaa labaduba xiiseynaya inay u dhaqaaqaan daafaca bidix ee reer Spain Alvaro Fernandez, oo 21 jir ah, kaasoo Manchester United ay ka iibisay Benfica xagaagii hore. (Mirror)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United iyo Denmark Christian Eriksen, 32, ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Ajax marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga soo aadan. (Sun)
Daaficii hore ee Liverpool iyo Cameroon Joel Matip, oo 33 jir ah, ayaa ku fikiraya inuu ka fariisto ciyaaraha. (Ruhr Nachrichten S04 ee X – in Germeny)
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ah riyada mustaqbalka fog ee FA-ga, kaasoo aan cidna wax wareysi ah la yeelanin shaqada England in ka badan laba bilood ka dib markii la xirayay codsiyada. (Telegraph – subscription required)
Everton ayaa dejisay qorshaheeda ku aadan saxiixa garabka Stuttgart iyo DR Congo Silas Mvumpa, oo 26 jir ah, bisha Janaayo. (Insider)
Tababarihii hore ee Manchester United Ole Gunnar Solskjaer, oo 51 jir ah, ayaa wada hadalo kula jira “naadi weyn” oo ku saabsan ku soo laabashada maamulka ka dib markii uu diiday wadahadalo dheeraad ah oo ku saabsan maamulida Denmark. (Tipsbladet – in Danish)
Liverpool ayaa u calaamadsatay daafaca dhexe ee Palmeiras Vitor Reis, oo 18 jir ah, inuu yahay saxiix macquul ah mustaqbalka. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa £ 84m. (Insider)
River Plate ayaa doonaysa in ay u kordhiso amaahda weeraryahanka Manchester City Claudio Echeverri. Ciyaaryahanka heerka caalami ee da’doodu ka hooseyso 23-jirada Argentina, oo 18 jir ah, ayaa City uga soo biiray River bishii Janaayo heshiis uu ku sii joogi doono hal sano ka hor inta uusan u wareegin England. (TYC Sports – in Spanish)
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee kooxda Chelsea Claude Makelele ayaa wadahadalo kula jira inuu tababare ka noqdo Cardiff . (Footmercato -in French)
AC Milan ayaa ka fiirsaneysa inay Janaayo u dhaqaaqdo 26 jirka garabka uga ciyaara Crystal Palace Ismaila Sarr, kaasoo kaliya u dhaqaaqay Selhurst Park bishii Agoosto. (Gazzetta dello Sport – in Italian)