Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Sabti Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Sabti Ah 17-ka Augusto

0

Crystal Palace ayaa qarka u saaran inay diido dalabka afaraad oo qiimihiisu yahay 65 milyan ginni oo lagu daray waxyaabo dheeri ah oo ka yimid Newcastle oo 24 sanno jir ah daafaca dhexe ee England Marc Guehi. (Sky Sports)

Newcastle wali diyaar uma aha inay ka baxdo heshiiska Guehi laakiin kooxda ayaa ka fiirsanaysa doorkeeda.(The I)

Bartilmaameedka kale ayaa noqon kara 25 jirka daafaca uga ciyaara Chelsea ee Trevoh Chalobah kaas oo uu aad ula dhacsan yahay tababaraha Newcastle Eddie Howe. (Talksport)

Palace ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca dhexe ee Faransiiska Maxence Lacroix, oo 24 jir ah, waxaana ay riixayaan inuu heshiis la gaaro kooxdiisa Wolfsburg . (Sky Germany – in Germen)

Newcastle ayaa laga yaabaa inay 30 milyan ginni kula soo wareegto ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Chelsea Noni Madueke laakiin waxay doonayaan inay amaah ku qaataan 22 jirkaan marka ugu horeysa. (Football Insider)

Chelsea ayaa wadahadalo cusub la yeelan doonta kooxda Atletico Madrid dhamaadka todobaadka iyada oo labada kooxood ay doonayaan in ay jabiyaan ismari waaga ka dhex jira xiddiga khadka dhexe ee England ee Conor Gallagher iyo weeraryahanka Portugal Joao Felix, labaduba waa 24 jir .(Telegraph – subscription required)

Wadahadalada u dhexeeya Arsenal iyo Real Sociedad ee ku saabsan u dhaqaaqista 28 jirka khadka dhexe ee Spain Mikel Merino ayaa maraya heerkiisii ​​​​ugu dambeeyay, wuxuuna socon doonaa dhamaadka usbuuca. (Fabrizio Romano)

Merino ayaa qarka u saaran in laga saaro kooxda Real Sociedad kulankooda furitaanka horyaalka La Liga ee ay la ciyaarayaan Rayo Vallecano Axada iyadoo dhamaadka heshiiska la gaarayo. (Marca – in Spanish)

Maamulaha Everton Sean Dyche ayaa hal sano uga haray qandaraaskiisa laakiin wali wax wadahadal ah oo ku saabsan kordhinta heshiiska ma aysan dhicin iyadoo ay macquul tahay inay kooxda la wareegaan. (Guardian)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingariiska Dele Alli, oo ah wakiilka xorta ah, ayaa la siin doonaa kulamo albaabadu u xiran yihiin si uu taam ahaanshihiisa ugu caddeeyo Everton ka hor inta aysan go’aansan inay 28 jirkaan heshiis cusub u soo bandhigaan iyo in kale. (Guardian)

Daafaca Manchester United ee 30 jirka reer Sweden Victor Lindelof ayaa diirada u saaran kooxda reer Talyaani ee Fiorentina . (Gianluca Di Marzio -in Italian)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tunisia Hannibal Mejbri ayaa loo sheegay in loo ogolaan doono kaliya inuu kaga tago Manchester United heshiis joogto ah, iyadoo Rangers iyo Celtic ay labaduba xiiseynayaan inay amaah ku qaataan 21 jirkaan. (Football Insider)

Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa ku qasbay ciyaartoydiisa inay ku wada quraacdaan garoonka tababarka ee kooxda.(Times – subscription required)

Roma Tammy Abraham, 26, ayaa qarka u saaran inuu ku biiro koox aan la magacaabin oo ka tirsan kooxda Saudi Pro League inkastoo West Ham ay xiiseyneyso weeraryahanka England. (La Repubblica – in Italian)

Leeds ayaa xiiseyneysa saxiixa 27 jirka garabka uga ciyaara kooxda Burnley Manuel Benson. (Football Insider)

Xidigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Liverpool Thiago Alcantara ayaa soo gabagabeeyay muddo kooban oo uu la soo shaqeeyay tababaraha cusub ee Barcelona Hansi Flick wuxuuna ku laabtay Merseyside. (Marca – in Spanish)

Tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa sheegay in daafaca Jarmalka Jonathan Tah uu qeyb ka yahay qorshihiisa, inkastoo 28-sano jirkaan lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Bayern Munich . (Sky Sports Germany)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here