Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Sabti Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Sabti Ah 31-ka Augusto

0

Liverpool ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Crystal Palace iyo England Marc Guehi, oo 24 jir ah, xagaaga soo aadan, markaasoo uu kaliya hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa. Guehi waxa uu bartilmaameed u ahaa Newcastle suuqii xagaagan. (Mirror)

Manchester United ayaa diiday dalabyo amaah ah oo uga yimid Real Betis oo ay ku doonaysay xiddiga garabka uga ciyaara Brazil Antony, 24, iyo khadka dhexe ee Denmark Christian Eriksen, 32, maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga. (Mail)

Weeraryahanka Nigeria Victor Osimhen, 25, ayaan lagu dari doonin kooxda Napoli ka dib markii uu ku guuldareystay inuu u dhaqaaqo Chelsea . (Gianluca di Marzio ee X)

Iibkii 16.8 milyan ginni ee weeraryahanka Chelsea Deivid Washington kaga iibisay Strasbourg ayaa burburay ka dib markii laga baqay in tallaabadaas la baaro maadaama labada kooxood ay leeyihiin BlueCo. (L’Equipe – in French)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here