Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Sabtid Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Sabtid Ah 27-ka July

0

Tababaraha Newcastle Eddie Howe ayaa u sheegay 33 jirka daafaca dambeedka midig ee England Kieran Trippier, kaasoo qandaraaskiisa hal sano uga harsan yahay, islamarkaana lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia, inuu doonayo inuu sii joogo kooxda. (Times – subscription required)

West Ham ayaa ka fiirsaneysa inay horumariso dalab ay ku dooneyso Jhon Duran, iyadoo Aston Villa ay ku dooneyso 40 milyan ginni 20 jirka weerarka uga ciyaara Colombia. (Standard),

Manchester United ayaa dib ugu soo laabatay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Bayern Munich iyo Morocco Noussair Mazraoui ka dib markii 26 jirkaan uu u dhaqaaqay West Ham . (Sky Germany)

Mazraoui ayaa laga yaabaa inuu raadiyo dammaanad qaadka waqtiga ciyaarta ka hor inta uusan aqbalin inuu u dhaqaaqo Old Trafford. (Manchester Evening News),

Tottenham ayaa wadahadalo kula jirta Girona si ay u iibiso weeraryahanka reer Spain Bryan Gil, 23, kaasoo heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda La Liga. (Fabrizio Romano)

Manchester United ayaa ka hadashay suurtogalnimada ay ku bedelan karto daafaca reer England ee Aaron Wan-Bissaka, oo 26 jir ah, iyo daafaca dambeedka midig ee kooxda Inter Milan iyo Netherlands Denzel Dumfries, oo 28 jir (Telegraph – subscription required)

Manchester United ayaa qarka u saaran inay Fulham iyo Crystal Palace kula tartanto saxiixa daafaca reer England ee Chelsea Trevoh Chalobah, oo 25 jir ah (Insider).

Barcelona ayaa heshiis la gaartay kooxda Athletic Bilbao iyo garabka Spain Nico Williams, oo 22 jir ah, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo uu ku jiro sanad dheeri ah. (Nicolo Schira)

Arsenal ayaa ugu yaraan ku iibinaysa 50 milyan euro (£42m) weeraryahankeeda England Eddie Nketiah, 25, kaas oo soo jiitay Marseille . (La Provence – in French)

Kooxda Los Angeles FC ayaa horumar ka samaysay wadahadaladii ay kula soo saxiixan lahayd weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann, oo 33 jir ah (L’Equipe – in French).

Kooxda Major League Soccer ayaa sidoo kale ku dhow inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingariiska Lewis O’Brien, oo 25 jir ah, oo ay amaah kaga soo qaateen Nottingham Forest . (Football Insider),

Manchester City ayaa u aragta khadka dhexe ee Bayern Munich iyo Germany Jamal Musiala, oo 21 jir ah, inuu yahay bedelka kubadsameeyaha Belgium Kevin de Bruyne, 33. (CaughtOffside).

Bayern Munich ayaa kordhisay dalabkeeda 28 jirka daafaca dhexe ee Germany Jonathan Tah, kaasoo hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Bayer Leverkusen , waxayna gaarsiisay €20m (£16.9m) oo lagu daray €5m (£4.2m) oo dheeri ah. (Sky Sports Germany)

Juventus ayaa qarka u saaran inay dalab ka gudbiso Atalanta 26 jirka khadka dhexe ee reer Holland Teun Koopmeiners.

Borussia Dortmund ayaa heshiis la gaartay Manchester City 22 jirka daafaca midig ee reer Brazil Yan Couto, kaasoo labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay amaah kula joogay kooxda reer Spain ee Girona. (Sky Sports)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay fasaxdo 12 ciyaartoy oo kale xagaagan ka dib markii 25 jirka reer France ee daafaca uga ciyaara Malang Sarr la soo afjaray qandaraaska si uu ugu biiro RC Lens.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here