Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Talaado Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Talaado Ah 17-Ka September

0

Barcelona ayaa sare u qaadeysa qandaraaskiisa laacibka dalka Spain ee Lamine Yamal xilli ciyaareedkaan waxayna wada hadalo u qabtay in heshiiska loogu kordhiyo ilaa iyo sanadka 2030-ka oo uu 18-jirsan doono bisha July. (Marca – in Spanish)

Crystal Palace iyo Ipswich Town ayaa labaduba wada socda daafaca 27 jirka england iyo Chelsea Daafaca bidix ee Ben Chilwell ka hor inta aysan dhicin inay u dhaqaaqaan janaayo. (Sun)

Kooxda Bayern Munich ayaa culeys weyn ku qabta inay ku qanciso xidiga qadka dhexe ee Jamaal Musiala oo 21-aad u olaleeya in uu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa kooxda, taasoo kicin karta xiisaha xidiga heerka caalami ee xulka dalka Germany ee kooxaha Manchester City iyo Manchester United. (Mirror)

Macalinka kooxda Everton Sean Dyche ayaa ka fikiraya inuu si lama filaan ah ugu dhaqaaqo goolhayaha England iyo Kooxda Newcastle Nick Pope oo 32 jir ah si uu ugu badalo Jordan Pickford oo 30-jir ah. (Mirror)

Kooxda Manchester United ayaa la filayaa inay u soo bandhigto 22 jirka garabka ka ciyaara ee Amad Diallo heshiis cusub oo xilliga dheer ah bilaha soo socda. Laacibka reer Ivoria ayaa xilligaan dhamaaday xagaagan. (Manchester Evening News)

John Textor waxa uu doonayaa in uu dedejiyo iibinta saamiyadiisa Crystal Palace oo uu doonayo in uu dedejiyo iibsigiisa Everton. (Mail)

Kooxda Liverpool ayaa la soo waramayaa inay xiiseyneyso inay la soo wareegto xidiga qadka dhexe ee Lille Angel Gomes, iyadoo ay xili ciyaaryahanada Reds-ka soo xaadireen ciyaartii ugu horeysay ee 24-jirkaani ugu horeysay england oo ay la ciyaari doonaan dalka Finland bishan gudaheeda. (Liverpool Echo)

Eintracht Frankfurt iyo weeraryahanka reer Masar Omar Marmoush oo 25-jir ah ayaa doonaya in uu helo saxiixa premier League, iyadoo ay wada xiiseynayaan kooxaha Liverpool, Arsenal, Crystal Palace iyo West Ham oo dhamaantood xiiseynaya. (Teamtalk)

Albaabka ayaa furmi kara in madaxii hore ee dalkaasi Steven Gerrard uu ku laabto Rangers isla markaana uu beddelo macalinka kooxda Philippe Clement. (Daily Record)

Kooxda Manchester City ayaa isha ku haysa xidiga qadka dhexe ee Nottingham Forest Morgan Gibbs-White, oo 24-jir ah, balse kooxda forest ayaa damacsan inay u soo bandhigto xidiga heerka caalami ee xulka dalka England heshiis cusub. (HITC)

Daafaca dhanka bidix ee real Madrid iyo Xulka dalka France Ferland Mendy oo 29-jir ah ayaa lagu wadaa inuu heshiis cusub la saxiixdo kooxda reer Spain ilaa iyo sanadka 2027-ka. (Marca – in Spanish)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here