Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Talaado Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Talaado Ah 30-ka July

0

Arsenal ayaa weli xiiseyneysa 25 sanno jirka weerarka uga ciyaara Napoli iyo xulka Nigeria Victor Osimhen. (Corriere dello Sport – n Italian)

Gunners ayaa laga yaabaa in ay ku xoojiso khadkeeda dhexe saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad iyo xulka Spain Mikel Merino, oo 28 jir ah (football.london).

Napoli ayaa xiiseyneysa weeraryahanka Chelsea iyo Belgium Romelu Lukaku, oo 31 jir ah, iyagoo heshiis qeyb ka ah la gaaray Osimhen. (Guardian)

Tottenham ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka Juventus iyo xulka Talyaaniga Federico Chiesa, 26. (Sky Sports Germany’s Florian Plettenberg on X).

Atletico Madrid ayaa kalsooni ku qabta inay la soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Conor Gallagher, oo 24 jir ah, kaasoo sidoo kale soo jiitay indhaha Aston Villa iyo Tottenham Hotspur . (Football Insider)

Daafaca Republic of Ireland Jake O’Brien, 23, ayaa u yimid Merseyside si uu tijaabada caafimaadka u maro ka hor inta uusan 17 milyan ginni uga soo dhaqaaqin Lyon kuna biirin Everton . ( Maareeyaha)

Everton ayaa laga yaabaa inay dalab ka gudbiso Strasbourg 20-jirka khadka dhexe ee Senegal Habib Diarra. (L’Equipe – in french)

Weeraryahanka Crystal Palace iyo Ghana Jordan Ayew, oo 32 jir ah, ayaa waxaa dooneysa Leicester City . (Sun)

Kooxo dhowr ah oo ka kala socda Premier League iyo dibadda ayaa isha ku haya inay Luton kula soo saxiixdaan garabka Dutch Tahith Chong, oo 24 jir ah, qiyaastii 10 milyan ginni. (Sky Germany)

West Ham ayay u badan tahay inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee France iyo Monaco Youssouf Fofana, iyadoo 25 jirkaan uu doorbidayo u dhaqaaqista AC Milan(Givemesport )

Goolhayihii hore ee Manchester United David de Gea, oo 33 jir ah, kuma biiri doono Genoa , ciyaaryahanka reer Spain ayaan waligiis ku dhowaan inuu ku biiro kooxda reer Talyaani. (Fabrizio Romano)

West Ham ayaa u aragta weeraryahanka Borussia Dortmund iyo Germany ee Niclas Fullkrug, oo 31 jir ah, bartilmaameed macquul ah iyagoo raadinaya weeraryahan cusub. (Sky Sports)

Arsenal ayaa xiiseyneysa garabka Bayern Munich iyo Jarmalka Leroy Sane laakiin 28 jirkaan uma badna inuu u dhaqaaqo xagaagan. (Sky Germany)

Tababarihii hore ee Newcastle Steve Bruce, oo 63 jir ah, ayaa wadahadalo kula jira inuu noqdo tababaraha Jamaica . Macalinka reer England ayaan wax shaqo ah qaban tan iyo markii laga ceyriyay West Brom bishii October 2022. (Mail)

Everton ayaa qorsheyneysa inay amaah ku siiso 20 jirka daafaca dhexe uga ciyaara England Reece Welch. ( Insider Football)

Tottenham ayaan wali heshiis la gaarin AC Milan si ay u iibiso 25 jirka daafaca uga ciyaara Brazil Emerson Royal. (Ben Jacobs)

Chelsea ayaa xiiseyneysa goolhayaha Genk Mike Peners oo 18 jir ah . Haddii la iibsado, Chelsea waxay ku talo jirtaa inay dib u amaahiso Belgian isla markiiba. (HLN – ee Dutch)

Weeraryahanka Villarreal iyo Chile Ben Brereton Diaz, oo 25 jir ah, ayaa soo gaaray Southampton si uu tijaabada caafimaadka ugu maro xilli uu ku dhow yahay u dhaqaaqista kooxda ka ciyaarta Premier League. (Football Insider)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Xavi Simons, oo 21 jir ah, ayaa go’aansaday inuu sannad kale amaah ugu qaato RB Leipzig oo ka tirsan Paris St-Germain inkastoo ay xiiseyneyso Bayern Munich . ( Sky Germany)

Arsenal ayaa ku dhibtoonaysa inay wadahadalo la gasho weeraryahanka reer England Eddie Nketiah, oo 25 jir ah, uguna biirayo Marseille , iyadoo kooxda reer France aysan la kulmin qiimaha Gunners. (Caughtoffside)

Kooxda heerka labaad ee Hull City ayaa ku dhow inay la soo wareegto LDU Quito iyo xulka Ecuador ee 20 jirada Oscar Zambrano, oo 20 jir ah. Waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa Manchester United , Brighton , Bournemouth iyo Luton Town . (Hull Daily Mail)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here