Home Wararka Ciyaaraha Wararkii Ugu Danbeeyey Heshiiska Liverpool Ku Doonayso Mac Allister

Wararkii Ugu Danbeeyey Heshiiska Liverpool Ku Doonayso Mac Allister

0
Ad

Liverpool ayaa wali ku jirta wadahadalka ay ku doonayso khadka dhexe ee kooxda Brighton iyo xulka Argentina ee Alexis Mac Allister.

Sida uu saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano u sheegay il-wareedka GIVEMESPORT, heshiiska uu Mac Allister ugu wareegayo Liverpool ayaa meel fiican maraya balse wali waxba lama dhammayn.

Ad

Mac Allister ayuu wargeysk Mirror sheegayaa inay Brighton ku doonayso 70 Milyan oo pound balse saxafi Romano ayaa qarxiyay war cajiiba oo ah inay Liverpool ku heli karto lacag 60 Milyan oo pound ka hoosaysa sababtoo ah heshiis ay hore u wada galeen kooxda iyo ciyaaryahanku.

Alexis ayaa aqbalay inuu Liverpool ku biiro sida uu Romano sheegay, ciyaaryahanka ayaa qayb ka noqon kara dib u dhiska Jurgen Klopp ku samaynayo Reds suuqa xagaaga.

Liverpool ayaa iskaga hadhay bartilmaameedkeedii mudada dheer ee Jude Bellingham oo Real Madrid kusoo jeeda waxayna xooga saarayaan saxeexyada dhawr ciyaaryahan oo ka qiimo jaban 19 sano jirkaas.

Mac Allister ayaa boosaska khadka dhexe oo dhan ka dheeli kara haddii ay tahay inuu qayb ka noqdo shaxda labada burburiye khad dhexe, haddii uu doorka No.8 ka ciyaaro iyo haddii uu afka hore ee No.10 dheeloba.

Previous articleShan Ciyaartoy Iyo Jurgen Klopp Oo Ka Maqan Liiska Xiddigaha Liverpool Ee Kulanka Aston Villa
Next articlePaul Merson Oo SAADAALIYAY Premier League, Aragtidiisa Kooxaha Top 4 Ku Tartamaya & Man City v Chelsea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here