Home Warar Ciyaaraha Maanta Warbaahinta Spain oo xaqiijisay war cusub oo ku saabsan dhaawaca xiddiga khadka...

Warbaahinta Spain oo xaqiijisay war cusub oo ku saabsan dhaawaca xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Rodri.

0

Warbaahinta Spain ayaa xaqiijisay war cusub oo ku saabsan dhaawaca xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Rodri.

Ka dib 22 daqiiqo oo kaliya ciyaartii kooxda Man City la ciyaartay Arsenal Guardiola ayaa lagu qasbay in uu badalo Rodri oo dhaawac soo gaadhay.

Xiddiga khadka dhexe ayaa u muuqday mid uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka isaga oo ku ordaya kubad kooren ahayd.

Dhaawaca Rodri ayaa markiiba wel-wel ku abuuray taagerayaasha Man City kuwaas oo aad u sugaya warbixin ku saabsan xaalada xiddiga warbaahinta Spain ayaana haatan war soo saaray.

Sida laga soo xigtay El Larguero, baadhitaankii hordhaca ahaa ee Man City ayaa meesha ka saaray dhaawac halis ah oo soo gaadhay xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man City wali sugayso baadhitaan dheeraad ah si loo ogaado mudada uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here