Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa lagu soo waramayaa inuu wajahayo lix bilood oo dhaawac ah ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii sabtida ee Atletico Madrid.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa lagu qasbay inuu saacad ka maqnaado guuldaradii 2-0 ee Barca ka soo gaadhay La Liga ee Wanda Metropolitano ka dib markii ay isku dhaceen Angel Correa .
Pique ayaa ilmeynayay markii uu garoonka ka baxayay, iyadoo Barca ay xaqiijisay wax yar ka dib ciyaarta inay soo gaadhay murgacasho.
Baadhitaan ayaa loo qorsheeyay Axada si loo ogaado inta uu leeg yahay dhaawaca.
Warsidaha Isbaanishka ee Sport ayaa sheegaya in Barca ay ka baqeyso inuu maqnaado 33 jirkaan ilaa iyo bisha May, taasoo si rasmi ah uga reebtay inuu ka maqnaado inta ka dhiman ololaha.
Barcelona waxaa durbaba ka maqan Ansu Fati iyo Samuel Umtiti , halka Sergi Roberto uu isna ku dhacay guuldaradii Atleti, taasoo ka dhigeysa in kooxda reer Catalan ay ku jirto kaalinta 10aad ee miiska kala sarreynta.