Warbixin: Rikoodh Walbo oo Cristiano Ronaldo looga diiwaan galiyay Kubada Cagta bilow ilaa dhamaad

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo waxa diiwaanka ugu jira deraasiin rikoodho uu jabiyey oo ay qaarkood adag tahay in uu soo baxo laacib kale oo gaadhi kara amaba ay qaadan doonto waqti dheer in la jabiyo.

Min waqtigiisii hore ee Manchester United, Real Madrid, Juventus, xulka qaranka illaa hadda oo uu dib ugu soo laabtay Old Trafford, Ronaldo ayaa loo diiwaangelinayay rikoodho ay u sahlayeen qaab ciyaareedkiisa dedaalku ku ladhan yahay iyo xirfadlenimadiisa uu mar walba isku ilaaliyo sidii uu u noqon lahaa mid ka dheeraada waxyaabaha dadka hoos u dhiga, isaga oo awooddana saarayay sidii uu heerka ugu sarreeya ugu ciyaari lahaa.

Tani waxay ka caawisay in isaga oo ay da’diisu tahay 36 jir uu haddana ku jiro tartameyaasha abaal-marinta xiddiga adduunka 2021 oo uu kusoo baxay liiska 30ka laacib ee bisha dambe la kala saari doono.

Rikoodhka kooxaha

Horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ayuu ku guuleystay shan jeer, lagana yaabaa in uu sii dhaafo tiradaas oo uu markii lixaad qaato si uu hal tallaabo oo kale ugaga horreeyo ciyaartoyda kale ee garoomada soo maray.

Laacibkan reer Portugal oo goolka guusha u dhaliyey Manchester United kulankii Villarreal, waa ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Champions League, isaga oo dhaliyey 136 gool, mana jiro laacib kale oo taariikhda tiro intaas le’eg oo goolal ah dhaliyey.

Waxa kale oo uu haystaa rikoodhka ciyaartoyga ugu safashada badan tartanka Champions  League isagoo ciyaaray kulankiisii 178aad ciyaartii Villarreal, waxaanu sidaas ku dhaafay halyeygii Real Madrid ee Iker Casillas oo 177 ciyaarood oo Champions League ah dheelay.

Cristiano Ronaldo waxa kale oo uu rikoodh ka sameeyey Champions League xilligii uu joogay Real Madrid. Xilli ciyaareedkii 2013/14 waxa uu dhaliyey 17 gool oo tartankan ah, mana  jiro ciyaartoy kale oo goolal intaas le’eg ka dhaliyey hal xilli ciyaareed gudihii.

Sidoo kale, waa ciyaartoyga kaliya ee goolal ka dhaliyey dhamaan lixda ciyaarood ee wareegga Group-yada Champions League, waxaanu rikoodhkaas xaqiijistay xilli ciyaareedkii 2017/18.

Sidoo kale, waa ciyaartoyga kaliya ee afar final oo Champions League ah goolal kadhaliyey.

136ka gool ee Champions League uu ka dhaliyey, 109 ka mid ah waxa uu saxeexay intii uu u ciyaarayay Real Madrid oo sagaal sannadood ahayd. Kaddib markii uu kaga soo biiray Manchester United sannadkii 2009, Realdo waxa uu noqday halyeyga ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid isagoo u dhaliyey 450 gool.

Dhinaca kale, 44 jeer ayuu Ronaldo dhaliyey saddexlay, waana ciyaartoygii ugu degdegga badnaa ee gaadha tirada goolasha ee 100, 150, 200 iyo 250 horyaalka Spain ee LaLiga.

Kaddib markii uu ka tegay Madrid, waxa uu ku biiray Juventus sannadkii 2018, halkaas ayaanu kasii waday gool-dhalintiisa. Xilli ciyaareedkii 2019/20 waxa uu Juventus u dhaliyey 37 gool, waan aciyaartoygii goolasha ugu badan u saxeexay kooxdaas hal xilli icyaareed gudihii.

Sidoo kale, waxa uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee saddex kooxood oo saddex waddan oo kala duwan ah u dhaliya min 100 gool iyo ka badan.

Rikoodhada xulka qaranka

Inkasta oo uu koobka Adduunku ka maqan yahay koobabka uu Ronaldo ku guuleystay, haddana waxa hantiyey tartanka qaramada Yurub ee European Championship iyo UEFA Nations League oo uu qarankiisa la qaaday.

Dhowaan ayaa uu jabiyey rikoodhkii Ali Daie ee ciyaartoyga ugu goolasha badan dhinaca xulalka oo ahaan jiray 109 gool, waxaana uu hadda Ronaldo sii marayaa 111 gool.

Waxa intaas ku dheer, toddobaadkan horraantiisii waxa uu noqday ciyaartoyga ugu safashada badan xulalka oo dhan, waxaanu ciyaaray kulankiisii 181aad isaga oo jabiyey rikoodhkan oo uu haystay Sergio Ramos.

Inkasta oo sannadkan ay difaacan kari waayeen tartanka qaramada Yurub ee ay Portugal ku guuleysatay sannadkii 2016, haddana Ronaldo waxa uu sannadkan jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta tartanka Euro ee uu haysan jiray Michel Platini. Ronaldo ayaa 25 ciyaarood oo uu saftay ku dhaliyey 14 gool.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*