Wargeyska El Mundo oo daboolka ka qaaday hadal uu weeraryahanka cusub ee kooxda Al Nassr ee Cristiano Ronaldo ku yidhi wakiilkiisii hore ee Jorge Mendes.

Wargeyska El Mundo ayaa daboolka ka qaaday hadal uu weeraryahanka cusub ee kooxda Al Nassr ee Cristiano Ronaldo ku yidhi wakiilkiisii hore ee Jorge Mendes.

Ronaldo oo dhawaan ka degay horyaalka Saudi Arabia ayay kala huleeleen wakiil Mendes oo mudo 20 sano ah wakiilkiisa soo ahaa.

Warbixinta El Mundo ayaa sheegaysa in isku dhaca wakiilka iyo ciyaaryahanku uu ku yimid kaddib markii uu Ronaldo dalbaday midkood kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich.

Mendes ayaa ugu horreynba si weyn uga cadhooday waraysigii waxkasta qasay ee uu Ronaldo siiyay saxafi Piers Morgan isagoo qabay dareenka ah inaysan kooxaha waaweyn ee Yurub saxeexiisa xiisayn doonin haddii uu Man United ka tago taas oo gadaal ka dhabawday.

Haatan sida uu daboolka ka qaaday wargeyska El Mundo, Ronaldo ayaa ku yidhi Mendes “Waxaad i gayn kartaa midkood Chelsea ama Bayern amaba waynu kala hadhaynaa”.

Intaas kaddib tababaraha shaqsiga ah ee Ronaldo oo ah nin dhalinyar ah ayaa wadahadalka heshiiska Al Nassr galay isagoo shaqsiyan 30 Milyan oo euro ku qaatay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*