Home Suuqa Kala iibsiga Wataru Endo Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshaha Liverpool Ee Ay Ku Bedalayso...

Wataru Endo Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshaha Liverpool Ee Ay Ku Bedalayso Mo Salah.

0

Mo Salah ayaa ahaa xiddiga kooxda dhawrkii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay si joogto ah u soo bandhigayay qaab ciyaareed wanaagsan.

Tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda, waxa uu jabiyay rikooro dhowr ah , 349 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan waxa uu dhaliyay 211 gool waxana uu caawiye ka ahaa 89 kale.

Waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee Jurgen Klopp, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray guulihii lagu riyaaqay intii uu joogay Klopp.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalkiisa ayaa ahaa mid aan la hubin.

Saudi Arabia ayaa ku daba jirtay tan iyo xagaagii hore iyadoo  Liverpool ay diiday laba dalab oo waaweyn.

Laakiin qandaraaska Masaariga ayaa dhacaya xagaaga soo socda, milkiilayaasha Liverpool ma ogolaan doonaan hantidooda ugu weyn inay ku baxaan beeca xorta ah, waxaana laga yaabaa inay ku fikiraan inay iibiyaan xagaagan.

Sidan oo kale, waxaa la isla dhex marayey in kooxdu ay baadi goob ugu jirto beddelka mustaqbalka fog ee Kabtanka Masar, iyadoo lala xiriirinayo xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Jarrod Bowen iyo Mohamed Kudus.

Ciyaaryahanka kale ee si xoogan loola xiriirinayay maalmihii la soo dhaafay ayaa ah xiddiga heerka caalami ee dalka Japan Takefusa Kubo.

Waxaa soo baxayay warar is khilaafaya oo ku saabsan in uu meel sare marayo iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in Liverpool ay ku dhowdahay in ay heshiis la gaarto xiddiga laakiin ilo wareedyo qaar ayaa beeniyay sheegashadaas.

Iyadoo ay jiraan wararka xanta ah, khadka dhexe ee Reds Endo ayaa si lama filaan ah u xaqiijiyay rabitaanka Liverpool ee bedelka Mo Salah.

Mar la weydiiyay haddii uu jeclaan laha hal saaxiib oo ay isku dal yihiin in Reds lagu soo daro, qofka uu dooran laha, Endo wuxuu ku jawaabay

“Malaha Kubo. Waxay raadinayaan beddelka Mo Salah, sidaas darteed taasi waxay u badan tahay inay noqon doonto meel dhab ah oo Liverpool ay ku xoojiso mustaqbalka, haddii ay ka fikiraan cidda beddeli karta, waxaan filayaa inuu noqon doonto Kubo.” ayuu yiri Endo.

Si kasta Salah ayaa go’aan ka gaari doona mustaqbalkiisa klaasi oo ku saabsanaan kara bixitaan ama joogis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here