Watford 1-2 Chelsea: Mason Mount iyo Hakim Ziyech oo guul ku hogaamiyay kooxda Blues

kooxda Blues oo booqasho ugu tagtay kooxda Watford ayaa halkaasi guul muhiim ah ku soo gaartay iyadoo sii xajisatay hogaanka horyaalka.

Xidigaha kala ah Mount iyo Ziyech ayaa kooxda ku hogaamiyay goosha Caawa taasi oo ka caawisay inay dib ugu soo laabtaan wadadooda guusha.

Daqiiqadii 29aad ee Qeybta hore ayuu Mason Mount hogaanka u dhiibay kooxdiisa isagoo kubad Cag ah ku hubsaday shabaqa qeybtiisa kore waxana banaanka u soo dhigay Kai Havertz, Xidiga Kai Havertz ayaana kubad laga diiday taasi oo aheyd Offside.

isla qeybta hore Daqiiqadii 43aad kooxda Watford ayaa heshay goolka bar-baraha ah kubad laga soo jiiday dhexda isla markana isku dhufsadeen xidigaha kooxda waxaa diilinta ganaaxa la galay Emmanuel Dennis kaasi oo si fudud shabaqa ugu hubsaday iyadoo lagu kala nastay bar-baro.

Daqiiqadii 73aad kooxda Chelsea ayaa heshay goolka guusha kubad banaanka lasoo dhigay waxaa bidix ku qabtay Hakim Ziyech guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-2

Natiijo ahaan kooxda Chelsea ayaa hogaanka ku heysa 33 dhibcood waxana ku soo xigta Man City oo leh 32 dhibcood kuwaasi oo ciyaartooda wax yar ka harsantahay.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*